afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:00 pm | Posted by

DHAGAYSO: Wararkii ugu danbeeyay: Maxaa ka soconaya Magaalada Kismaayo?…

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa shalay waxaa gaaray wafdi ka socda gudiga farsamada maamul usamaynta Jubooyinka iyo xubno kale oo katirsan IGAD.

Wafdigaas ayaa magaalada ka bilaabay latashiyo badan oo ku aadna dhamaystirka howsha maamul usamaynta gobollada Jubooyinka.

Saraakiil la rumaysan karo oo kusugan Kismaayo ayaa Warqaad.com usheegay in kulamada ka soconaya magaalada Kismaayo ay yihiin kuwii ugu danbeeyay ee lagu diyaarinayo qorshaha maamul usamaynta Jubooyinka.

Riix Halkan si aad udhagaysato Waraysi

Arimaha kale ee laga wada hadlayo ayaa waxaa kamid ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dowlada iyo dhinacyada gacanta ku haya magaalada Kismaayo.

Waxaa la filayaa in kulamada haatan soconaya lagu go’aamiyo xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa soconaya kulamo ay gudiga iyo IGAD la yeelanayaan odayaasha deegaanka magaalada Kismaayo taas oo ay uga dhaadhicinayaan in maamul loo dhan yahay loo sameeyo Jubooyinka.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska madaxweynaha ayaa aad udiidan howsha IGAD ay hormuudka ka tahay ee maamulka loogu samaynayo Jubbooyinka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM