Man United oo dheereysay Hoggaankeeda iyo Arsenal oo barbar dhac la dhaafi weysay Fulham
Waxaa xalay la ciyaaray kulammo ka tirsanaa ciyaarihii 11-aad ee Premier League Ingiriiska oo aad u xiiso badnaa, waxaana ugu kululaa kulankii kooxda Man United ay 3-2 kaga adkaatay kooxda Aston Villa.
United ayaa lagala hor maray labada gool markii ciyaaryahanka Aston Villa Weimann uu laba gool oo deg deg ah ka kala dhaliyay daqiiqadihii 45-aad iyo 50-aad.
Hase yeeshee Javier Hernandez-ka da’da yar ee United ayaa guul u horseeday shayaadiinta cas cas markii uu gool u dhaliyay daqiiqaddii 58-aad, iyadoo gool kalena ay si kama’ ah isaga dhaliyeen Villa, laguna qoray Vlaar daqiiqaddii 63-aad ka hor intii uusan ciyaarta soo geba gebeyn gool madax uu Man U ugu dhaliyay Chicharito daqiiqaddii 87-aad ee geba-gebadii ciyaarta.
Ciyaar kale ayaa iyana Arsenal waxaa gurigeeda Emirates Stadium ay barbar dhac 3-3 la dhaafi weysay Fulham.
Kulammadii la ciyaaray Horyaalka Ingiriiska
10/11/2012 Arsenal 3 – 3 Fulham
11? Giroud, 23? Lukas Podolski , 29? Dimitar Berbatov (Fulham), Kacaniklic (Fulham), 67? Dimitar Berbatov (Rigoore), 69? Giroud, 90? Arteta (Arsenal/Kaarka Cas).
10/11/2012 Everton 2 – 1 Sunderland
45? Johnson (Sunderland), 77? Marouane Fellaini, 79? Jelavic
10/11/2012 Reading 0 – 0 Norwich
10/11/2012 Southampton 1 – 1 Swansea
64? Schneiderlin, 73? Dyer (Swansea).
10/11/2012 Stoke City 1 – 0 Queens Park
52? Adam.
10/11/2012 Wigan Athletic 1 – 2 West Bromwich
31? Morrison, 43? Caldwell (Wigan/Kama’Gool), 45? Arouna Kone.
10/11/2012 Aston Villa 2 – 3 Manchester United
45? Weimann (Villa), 50? Weimann (Villa), 58? Javier Hernandez, 63? Vlaar (Villa/Kama’gool), 87? Javier Hernandez.
Kulammada maanta ee Horyaalka Ingiriiska:
11/11/2012 Manchester City ? – ? Tottenham H.
11/11/2012 Newcastle United ? – ? West Ham U.
11/11/2012 Chelsea ? – ? Liverpool