Raxmaadka Eebe Oo Si Balaadhan Uga Da’aya Deegaano Badan Oo Ka Tiran Goboladda SSC
Waxaa guud ahaanba Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool si balaadhan uga da’ay raxmaadka eebe, isagoona roobkani uu ahaa mid ay si weyn soo dhaweeyeen isla markaasna ay ku diirsadeen dhamaan bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaanood.
Roobkan oo ahaa mid da’ayey mudo saacadaa ayaa waxa uu lahaa biya dhig fiican, iyadoona jidadka waa weyn iyo xaafadaha qaarkoodba lagu arkayey biyo aad utira badan oo qul qulaya.
Qaar kamid ah dad weynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee Magaalada Laascaanood iyo qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada, iyagoona kusoo bandhigayey sida ay ugu qanacsan yihiin raxmaadka eebe una mahad celiyey.
Habada intii uu socday roobkani ayaa waxa xidh may qaar kamid ah wadooyinka Magaalada laascaanood sababa la xidhiidha ciida wadooyinkaas oo jilicsan awgeed, iyadoona oo uu yaraaday isku socodka Magaalada isla mar ahaan taana ay biya aad utira badani jareen wadooyin Magaalada Laascaanood.
Isku soo wada duuboo roobkan ayaa ahaa mid ay dadka iyo duunyada ku dhaqan Magaalada Laascaanood ay ku diirsadeen, iyadoona deegaano badan oo ka tirsan Sool, Sanaag, iyo Cayn iyana ay roobab noocan oo kale ah ay hada hayaan.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com