Sir Iyo Khayaano Fakatay: Ururka HAG Iyo M/Weyne Xasan Oo Maamulka Kismaayo U Tashanaya (Akhriso Sirtan Adigaa Yaabayo)
Sir Culus oo laga helay email furan Magaalada Birmingham ee Dalka Ingiriiska , oo uu katagay isagoo furan nin lagu magacaabo Cabdi Aftooje oo katirsan ururka Hawiye Action Group (HAG) meel internet Cafee
Waxaan idiin soo raaciyay emailka oo print screen aan kusameeyay. Emailkan furanna waxaa kuqornaa arimo badan oo xaasaasi sida arimahan hoose:
Shir sadex geesood ah oo dhexmaray xubno katirsan Ururka Hawiye-Action-Group oo qubojoog ah, Xubno katirsan dagaal oogayaashii Somalia oo Muqdisho kusugan iyo Madaxawaynaha Somalia oo teleefanka kaga qayb qaatay ayaa waxaa lagu sheegay arimo badan oo kusaabsan siyaasada Somalia iyadoo si gooni ah shirkaas agendaha looga hadlay uu ahaa xaalada Magaalada Kismaayo iyo Maamulka ladamacsanyahay in loo sameeyo sidii looga hortagi ama waqti dhumis loogu sameen lahaa iyo sidii beelahaas la isaga horkeeni lahaa degaanka ah ee uu shirarka ugu socdo Nairobi.
Shirkaas oo markii hore ay lahaayeen qabanqaabadiisa qurbo joog katirsan ururka HAG ayaa ugalay dadaal dheer sidii ay isugu soo xiri lahaayeen xubnahaas kala duwan. Waxaa la isku afgartay sidii looga sameeyn lahaa kahortag maamuulkaas iyadoo khadka teleefanka lasoo galiyay Madaxwaynaya Somalia, Hassan Sheikh.
Madaxwaynaha ayaa isagu sheegay arinta uu kadoonayo nimankaa taladooda ugu wanaagsan si ugu dhaqaaqo kadibna lagu wargeliyay khatarta ay leedahay hadii meeshaa beelaha Darood ay kasameeystaan maamuul ay kumidaysanyihiin oo iyaguna isku nabad galiyaan maamul iyo nidaam loogu sameeyo gobolkaas iyadoo wali magalaada Muqdisho qasantahay ayna taas noqonayso in dalka oo dhan daganyahay ee kaliya tahay meesha aan nidaamsanayn magaalada Muqdisho iyagoo ku adkeeyay in markastaa tahay lagama maarmaan in Kismayo iyo Gobolada koonfureed ee beelaha kale dagaan looga taliyo Muqdisho. Waxaa la isu afgartay arimo badan oo ay kamid yihiin kuwaan hoos kuqoran:
In markahore Ururka Raaskaambooni oo isagu kaqaatay qayb laxaad leh kaxoraynta gobolka ciidama Alshabaab lagu furo dacaayaad ah inay yihiin ciidamo beeleed doonaaya inay shacabka xoog kuqabsadaan umadana xasuuqayaan magacoodana laxumeeyo. Iyadoo taas xaqiiqda kafog, Raaskamboonina anaay ahayn ciidan dagaal beeleed kujira reer Somali ahna aysan ladagaalin kana qabsanin gobolka ee ay kaxoreeyay Alshabaab, ilaa hadana amaanka sugayaan cid dhib loogu qaystayna aanay jirin. Arintaan ayaa larabaa sawir kabadalan in labixiyo.
In dib udhig lagu abuuro maamulka saamayntiisa isagoo Madaxwaynuhu adeegsanayaa awood dowladeed si miradhalka Maamul usameeynta gobolka dhib udhac badan uu ugu yimaado.
In beelaha qaarkood ku abtisada Hawiyaha iyo kuwa kale ee aan ahayd Daroodka oo ah dad tira yar labuunbuuniyo magacooda iyo taradooda, cod wayna loo muujiyo diidmadooda maamulka lasameenayo ay diidanyihiin
Madaxwaynaha oo lagu qanciyay in lagu daro xubnaha uu magacaabayo kuwa katirsanaa dagaal oogaashii gobolada jubuuyinka kadagaalami jiray ama ragii lashaqeen jiray qaarkood isagoo xubnihii HAG ay kuqanciyeen ragaas inay beesha maamulka sameesaneesa iyagu yaqaanaan kalana dhantaali karaan waxa ay wadaan. Xubno katirsanaa ururkii JVA ee Beesha cayr ayaa kuhanjabay inay Kismayo iyagu gacanta Madaxwaynahay iyo Beesha Hawiye usoo galin karaan si fudud. Goobaanle ayaa sheegay inuu Majeerteena meesha bari hore kacayriyeen, Ogaadeen aanay waxba ahayn ee Kenya isku halaynayaan, Mareexaankana ay beesha ceeyr awalba wax kadhigtay marki ay iswaaleena lalaayay wixi ay haysteena laga furtay, Barre hiiralana isagoo baxad ah uu doolow kadhacay waqtigi maxaakimta. Wagtigaas ayaa sida aan lawada socono, Maxaakimta indhacade horkacayay ayaa usii hanjabay inuu isagu Barre Hiiraale iyo Beesha Mareexaan meesha geeyay kanasafeenaayo. Madaxwaynaha ayaa aqbalay arintaas in sixeeladaysan uu ugu dari doona ragaas arimaha Kismaayo khuseeya balse codsaday in xasaasiyada ay leedahay arintaas laga feejignaado, xubnihii HAG ayaa kuqanciyay inaysan wax macnaa lahayn nimankaas ay ka adagyihiin beelahaas qaarkoodna iyagu maamulaan oo haday horfariistaan hadal kusoo celin karin.
In gobolka laga abuuro khalkhal iyo abni xumo si looga dhigo in qabaa’ilka yaryar qaarkood amnigooda iyo naftooda ay ubaqaan si markaas loo geeyo ciidamo isku dhaf ah oo Somali oo dhan ah balse kaliya laga kaxeen doono Magaalada Muqdisho.
In Beesha Mareexaan iyadoo la adeegsanayo Raa’isal wasaaha loo isticmaalo fulinta arimahan qaarkood ee lagu hagar daacinayo maamul usamaynta Jubbaland, iyadoo sidoo kale la adeegsanayo ragii kawada tirsanaa ururkii dooxada Jubba, beesha Habar Gidir Ceeryna ay karaali galiyaan tacayadii loo geestay beeshaas waqtigii Maxaakimta ee Barre Hiiraale kacayriyeen magalaada Kismayo isagana baxaan maamulka Jubbanland oo xagan kale usoo wareegaan.
Hadii ay diidaan taas, in Madaxwaynaya isagoo adeegsanaaya awoodiisa uu Gobolka gedo maamul usamayntiisa kudaro gobolada Bay, Bakool si markaas awooda beelaha Darood ee 3 gobol koonfurta ukala jabto qaybta hartayna lala tacaalo.
Ugu danbayntii in ciidamada Kenya layareeyo sharci joogidooda lagana dhigo inuu joogitaankooda ku ekaa qabashada Magaalada Kismayo iyo in ciidamo kale AMISOM oo fiilada ugu xirantahay Muqdisho lageeyo iyadoo howhaas fulinteeda ay wax kaqabanayso dowlada Djibouti.
Iyadoo gobolada Somalia badanyihiin kuwo cadow haysto, kuwo maamulo kajiraan iyo kuwo maamulo ugub aan sii fogeen kajiraan, ayaa waxaa layaab noqotay arinta Magaalada Kismayo iyo maamul usamaynta gobolka Jubbaland inay noqotay arinta kaliya loogu hadal haynta badanyahay Magaalada Muqdisho, min Madaxwayne ilaa xafiis dowladeed, Aqoonyahan kusheeg ilaa qabqable dagaal ee Muqdisho kuwada sugan ayaa waxay arintaas ku abuurtay welwel badan kaaso xataa aan jirin Markii ay gobolka gacanta kuhayeen xarakada baab’inta badan oo aadka uxun Alshabaab. Hurda la’aan ayay dad badan kuriday maamulka loo samaynayo Jubbaland, tanina ay kamid tahay waxaan kor qoran oo qarsoomi waayay.
Ugudanbayntii waxaan kusoo gababaynayaa, “Aragtayee maxaad oran …”
FG: Emailkan oo ah mid Printscreen lagu sameeyey waxay kusocotaa kuna qoran Cabdi Aftooje iyo Xasan Aftooje
Sawir aan ka soo qaadnay Emailkii aan ka helnay Sirtan Kismaayo ku saabsan:
