afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:51 pm | Posted by

Cod Sir Ah Oo M/Weyne Xasan Laga Duubay Xili Uu Baydhabo Ku Sugnaa (M/Weyne Afkaaga Iyo Dhagahaaga Isma Maqlaan-Miyaa?

Warbaahinta ayaa gacanta ku dhigtay cod-sir ah oo laga duubay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh xili uu Magaaladda Baydhabo kulmay Odayaal Reer Baydhabood ah,isagoo ku dhiiri-gelinaya inay dhistaan maamul ay dadka Deegaanka soo dhisteen,wuxuuna isticmaalaya kelimad ingiriis ah oo ah (Powerka ay dadka leeyihiin)taasoo uu ku micneeeyay in Dadka deegaanka Baydhabo iyo Bakool inay iyaga xaq u leeyihiin inay is-maamulaan,waxaana shirkan looga tashanayey maamul ay sameynayaan Goboladda Bay,Bakool iyo Sh/Hoose

Hadaba kolka aad si degan u dhageysato sirtan laga duubay Madaxweynaha waxaad ogaaneysaa inuu ku fududaaday inuu faraha la galo maamul u sameynta Magaaladda Kismaayo iyo Jubooyinka,maadaama dadka deegaanka ay ku heshiiyeen inay dhistaan maamul Federal ah oo hoosyimaada Dawladda Soomaaliyeed,halka uu Goboladda Bay iyo Bakool dadka dega uu ku dhiiri-gelinayo inay is-maamulaan oo sameystaan maamul ay raali ka myihiin dadka Deegaanka.

Waxaa is weydiin Madaxweynaha afkiisa iyo dhagahiisa miyaysan is-maqal?waayo hadii uu Baydhabo iyo Bakool u ogolaaday inay maamul dhistaan,maxaa keenay inuu waqtigiisii ku dhumiyo ka hadalka arimaha Jubooyinka iyo Gedo,halkii looga baahnaa inuu dhiiri-geliyo soona dhaweeyo maamulka ay dhisanayaan Dadka deegaanka oo markii ay dhistaan ka mid ahaan Dawladda-dhexe ee Soomaaliya.

 

Halkan kadhagayso adaa yaabi Doonee

 

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Soomaaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM