afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:22 pm | Posted by

Fashil culus oo ku yimid in xukuumada cusub ay hor timaado baarlamaanka Soomaaliya.

Fashil culus oo aan caadi ahayn ayaa waxa uu maanta mar kale ku yimid in xukuumada cusub ee Soomaaliya ku hortimaado baarlamaanka Soomaaliya xilli maanta la hadal haayay in codka kalsoonid ah loo qaado.

Wasiirada ayaa la sheegay in maanta ay diyaar ahaayeen hase ahaatee aanay u suurtya gelin inay baarlamaanka hortagaan si codka kalsoonida ah loogu qaado, waxaana taas ay ka dambeesay sida la sheegay ka dib gudoonka sare ee baarlamaanka oo diiday wasiirada kaligood in codka loo qaado.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la sheegayaa in uu u sheegay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya in
xubnahaan baarlamaanka la horkeeni doono marka wasiiro ku xigeenada lasoo magacaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Saacid ayaa haatan kulan xasaasi ah ka leh waxa laga yeeli lahaa baarlamaanka Soomaaliya oo ka biya diidsan in codka kalsoonida ah ay u qaadaan wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM