afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:33 am | Posted by

Daawo=Sawiro;-Ciiadamada Booliska Amison Oo Maanta Hawlgal Aan Caadi ahayn Ka Sameeyay Xaafadaha Muqdisho

Sanad kadib markii ay Al-Shabaab ka baxeen Caasimada Muqdisho ayaa nolosha si caadi ah ugu soo laabaneysa, iyadoo ay bilowdeen ganacsi iyo dhismayaal laga hirgelinayo qeybaha magaalada, waxaana xilliyada gabalka dhaco la arkaa ciidamada booliska Soomaaliya iyo booliska AMISOM oo howl galo amaanka lagu sugayo ka wada wadooyinka.

Booliska AMISOM ee dhowaan soo gaaray Muqdisho ayaa howl galo amni sugid ka sameeya wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, sida Isgoysyada, waxaana ciidamada booliska Soomaaliya ku gacan siiyaan howlaha sugida amaanka.

Hab dhaqanka ayaa ahaa mid ka duwan sida ciidamada kale ee Milateriga AMISOM, iyagoo dhex galayay shacabka, waxaana lagu arkayay wadooyinka iyagoo gacan qaadayay caruur iyo dad kale, kuwaasoo ay weydiinayeen xaaladooda caafimaad amaanka sida uu yahay.

Lama filaan ayay aheyd in Askar ka mid ah Ciidamada shisheeye inuu wadooyinka dhex socdo, magaaladan qatarteeda badan tahay, waxaana saacado ku qaadataa in wadada hareeraheeda ay istaagaan, dabadeedna si feejignaan ka muuqata uga qeyb qaata howlaha sugida amniga.

Booliska AMISOM ayaa ka sokow howlaha sugida ammaanka ee uu ka wado qeybaha magaalada, waxaa uu Ciidamada Booliska Soomaaliya ku gacan siiyaa tababarka dhinaca dambi baarista, iyadoo dhowaan uu soo gaba gabeeyay ilaa 80-sarkaal tababar la xiriiray howlaha dambi baarista.

Ciidamada Booliska AMISOM ayaa ka muuqaal duwan Ciidamada kale ee milateriga, kuwaasoo dhowaan u gashay shan sano oo Soomaaliya joogaan, kadib dagaalo iyo weeraro ay kala kulmayeen Kooxaha Islaamiyiinta.

Ilaa iyo hada waxaa Muqdisho ku sugan ilaa 300-askari Ciidamo Boolis ah oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Nigeria, waxaana la filayaa dhowaan in kuwo kale ay ka yimaadaan dalalka Ghana iyo Brundi, kuwaasoo ah Ciidamo boolis ah.


 


 


 


 


 


 


 


 


Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM