Sir La Helay:Jawaari Oo La Shiray C/Qaasim Salaad Xasan Iyo Xogtii Ay Ka Wada Hadleen(mayax Tahay Talow?)
Waxaa caawa Muqdisho ka dhacay kulan qarsoodi ah oo ay wada-yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Mr Jawaari oo loo yaqaan (Fadlan-Lacag-ku-shubo)iyo La Taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha ninka lagu C/qaasim Salaad Boy.
Ragaan oo saaxibo hore ahaan jiray Wasiirana ka ahaa Xukuumadii Marxuum Maxamed Siyaad Barre,ayaa ku heshiiyay si loo dhantoolo loona soo afjaro Maamulka loo sameyn-doono Jubooyinka iyo Gedo,inuu Jawaari shir u qabto Xildhibaanadda Beeshiisa kana dhaa-dhiciyo in Goboladda kala ah (Bay,Bakool,Jubada-Dhexe,Jubada-Hoose,Gedo iyo Shabeelada-Hoose)oo 6-Gobol isku noqonaya in loo sameeyo Maamul Goboleed ay ku midaysan-yihiin,si qal-qal loo geliyo Maamulka la filayo in bisha Diseembar lagu dhiso magaaladda kismaayo,kaasoo loogu magac-daray (Jubaland)
Sida aan xogta ku heleyno,waxaa caawa Muqdisho ka socda qaban-qaabada Jawaari (Fadlan-lacag-ku-Shubo)iyo La Taliyaha madaxweynaha C/qaasim salaad Boy ay abaabulayaan,waxaana la filayaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari uu si toos ah oo aan gabasho laheyn ugu sheegi-doono Xildhibaanada Beeshiisa inuu 6-Gobol uu mataaneyn-doono si ay u wada dhistaan Maamul Goboleed.
Hadii ay rumoowdo xogtan ay heshay Afbakayle.com,waxaa Tuke-Cambaar-leh Baarlamaanka ka noqon-Doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Mr Jawaari (Fadlan lacag-ku-shubo)oo wacad ku maray inuu 6-Gobol midaynayo si loo dhabar-jabiyo maamulkii loo samaynayey Jubooyinka iyo Gedo,waxaama arintaas looga fadhiyaa hadii ay rumoowdo inay jawaab ka bixiyaan Xildhibaanadda Soomaaliyeed
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/somalia
Afbakaylenews@gmail.com
waa arin wanaagsan hadiiba goboladii maamul la aanta ahaa maamul loo sameenayo viva dowlada somalia