afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:12 pm | Posted by

Ciidanka Madax tooyada Puntland oo Dad shacab ah Ku Xasuuqay Garoowe

Wararka Naga soogaadhaya Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka faroole ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Madaxtooyada Faroole iyo Dad shacab ah uu dagaal kharaar uu ku dhex maray meel aan ka fogayn Afaafka madaxtooyada, Dagaalkaaso oo sababay kasaare dhimasho iyo dhaawac ah igu jira.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay labada maleeshiyo beeleed ay ku murmeen lahaanshaha dhul meesha ku yaalay. Dhinac ka mida kuwa ku dagaalamay Booskan Bannaaan ayaa ah ilaalada khaaska ah ee madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Qasaaraha dagaalkan ayaa 2 qof ayaa ku dhimatay, 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii laba maleeshiyo beelood ay ku dagaalameen magaalada Garoowe gaar ahaan meel u dhaw madaxtooyada Puntland.
Goob Jooge ku sugan goobta lagu dagaalamay oo la hadlay Warbaahinta Afbakayle.com ayaa u sheegay in rasaas muddo badan socotay oo gees walba oo magaalada ah laga maqlayey ay ka warheleen, kadibna ay kala firxadeen dadkii goobta ka agdhowaa.

Dhakhaatiirta Cisbitaalka caasimada ayaa sheegaya in mid kamida ah maleeshiyaadkii ku dhaawacmay is rasaaseynta ay xaaladiisa halis tahay.

Guud ahaan gobollada Puntland tanyo intii uu Mamulka Deegaanadaas Uu lawereegay ayaa waxaa ka taagan boobka dhulalka, iyo kooxo caadeystay inay dhismayaasha bannaan ee dowladii dhexe la wareegaan, iyagoo kadibna sii iibininaya ama dhismayaal sharci darro ah ka dhisaya.

Xafiiska Shabakada Afakayle.com

Fu,aad Karaama Jama

Garoowe/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM