afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:14 pm | Posted by

Warsir ah;-Kismaayo Iyo J/Hoose Oo Gudoomiye-Gobol Loo Magacaabayo Cismaan-Kaluun

Xildhibaan hore oo ka soo jeeda Goboladda-Waqooyi (Somaliland)laguna magacaabo Cismaan-Kaluun ayaa loo magacaabayaa sida aan xogta ku heleyno  Gudoomiyaha Gobolka Jubada-Hoose magaaladda madaxdana tahay (Kismaayo),inkastoo weli Dikreetadii la hordhigay Madaxweyne Xasan Sheekh uusan saxiixin,isagoo wada tashi la yeelanayo Xildhibaanadda Baarlamaanka.

Magaacibistan oo la og-yahay inaysan dhaqan-geli-doonin ayaa waxaa talo ahaan ku soo jeediyay in Cismaan Kaluun Gudoomiyahaha Gobolka J/Hoose loo magacaabo La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Xasn Sheekh ninkan lagu magacaabo C/qaasim Salaad Boy iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar-Geelo oo talo ku siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu soo nooleeyo siyaasadii 90-meeyadii ee loogu magac-daray (Irir-Samaale)

Dikreetadii lagu magacabayey Cismaan Kaluun oo hadda saaran miiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lala sugayaa inuu taageero Gudoomiyaha Baarlamaanka Mr-Jawaari (Fadlan-Lacag-ku-shubo)oo markan saxiixiisa iyo awoodiisa Baarlamaanka loo isticmaalayo in la is-hor-istaago maamulka Jubalanad ee bisha Diseembar lagu rajo-weyn-yahay in Kismaayo laga dhiso.

Waxaa is-weydiin mudan hadii Soomaalida ku heshiisay inay qaataan Federaal,sababta Cismaan-Kaluun oo Hargeysa ka soo jeeda Gudoomiye-Gobol loogu magacaabayo J/Hoose,hadii ay arintan dhacdana waxaa la saadaalinayaa in Xildhibaanadda kasoo jeeda Jubooyiinka iyo Gedo ay iska casili-doonin Xildhibaanimadda,maadaama Dawladii lagu hanweynaa ay fidno ka abuureyso Goboladda Jubooyinka.

 

Xafiiska shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Warsir ah;-Kismaayo Iyo J/Hoose Oo Gudoomiye-Gobol Loo Magacaabayo Cismaan-Kaluun”

  1. Qalinle Xidig
    November 15, 2012 - 6:04 pm

    waxan halkan kasalaamaya shabakada Afbakayle , bacdal salaan waxan aaminsanahay hadii arintan la sheegayo ay run noqoto oo nin kasoo jeeda Gobolka waqooyi laga dhigo gudoomiyaha Jubada hoose ayadoo socoto maamul loo sameenaayo oo hada Kismaayo kusugan oo ilaa 18 bilood kujiren dib u heshiisiin oo hada qarka loo saaran yahay in la dhiso maamul rasmi oo loo dhan yahay 3da gobol waxay keni kartaa khilaaf iyo kala fogaansho anagoo ogsoon inay jiraan xoogag goboladaas xoreeyay qaarna hada kudhowyihiin inay gacanta kudhigaan aya waxa dhici kara inay sameeyaan REACTION aynaan garan garin waxay noqon doonto , maxa yeelay , waa ciidamadii Alsha baab kaxoreeyay jubooyinka ayagoon kahelin wax taageero ah haday ahaan lahed qarash ama daawo ama taageero guud sida gobolada kal ay dagaalka kula jiran alsha baab ay dowlada hiil iyo hooba lagarab taagned.marka waxan dowlada cusub ee xassan guurguurte inaysan arinta hubooyinka mid igu soo orod ah , ayse dhici karta dagaal sokeeya.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM