Daawo Sawiro:-Shir Weynaha Beesha Cali Axmed Ee Towfiiq 2 Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Buuhoodle
Waxaa guud ahaanba Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn maanta si rasmi ah uga furmay shir weynaha Beesha Cali Axmed ama Cali Gari ee Towfiiq 2, iyadoona shir weynahani Towfiiq 2 ay kasoo qayb galeen Qaar kamid ah isimada Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn, Cuqaal, Waxgarad, Culumo Awdiin, Qurba joog, Ururada Bulshada, Jaamacadaha Magaalada Buuhoodle, Dhalinyaro, Maamulayaasha Dugsiga kala duwan ee ka furay Magaalada iyo Marti sharaf kale oo ka kala yimi Deegaanada kale ee Gobolada Sool, Sanaag, iyo Cayn.
Shir weynahani Towfiiq 2 oo ula jeedkiisa aaya ka tashiga Beesha Cali Axmed iyo guud ahaanba horumarinta iyo nabad kula noolaan shaha Beelaha kasoo jeeda Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn ayaa waxaa lagu daah furay aayaadka quraanka kariinka iyo wacdi diini ah. Hadaba Shir weynahani ayaa waxaa ugu horeynba ka hadlay Caaqil Cali Dahable oo0 wax ka xusay duluucda rasmiga ee uu ku saab san yahay shirkani.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi hadalo kasoo jeediyey qaar kamid ah Beelaha kale ama marti sharafta iyadu shirkani kasoo qayb gashay, kuwaas oo dhamaantood hoosta ka xariiqan isla mar ahaan taana ka dhawaajiyey in ay taageerayaan qodobada ksoo baxa shirkani.
Waxaa ugu dambeyntii iyana soo afmeeray shir weynahani Towfiiq 2 Suldaan Siciid Cismaan Cali, Garaad C/laahi Garaad Soofe, iyo Garaad Saleebaan Cali Buraale, iyagoona dhamaantood halkaasi kasoo jeediyey erayo isugu jira duco iyo dar daaran.
Si kastaba ha ahaatee shirkani ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan, waxaana inta badan la rajaynayaa maalmaha soo socda Beeshani ay kasoo saarto shirkani qodobo, kuwaas oo dhamaantood ay si weyn looga soo dhaweyn doono guud ahaanba Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Buuhoodle Soomaaliy





























