Deg Deg: Maxamed Dheere oo haatan Muqdisho ku geeriyooday
Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed CUmar Xabeeb Maxamed Dheere oo kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kusugan gudaha dalka.
Marxuumkan ayaa ugeeriyooday xanuun waayadan hayay, sida ay sheegeen qaar kamid ah ehaladiisa, waxaana uu goordhow ku geeriyooday isbitaalka ciidamada Amisom ee Muqdisho
“Isbitaalka Xalane ee ay maamulaan ciidamada Amisom ayaa ku geeriyooday, maalmahana waa xanuusanaa”ayuu sheegay mid kamid ah ehelada Marxuum Maxamed Dheere .
Waxaa lagu xasuustaa inuu xilal kala duwan kasoo qabtay gudaha dalka gaar waxaa uu noqday gudoomiyihii Sh.Dhexe, sidoo kale waxaa uu soo ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Goordhow ayaa lagu wadaa in lagu aaso gudaha magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeyb gali doona masuuliyiin katirsan dowlada, siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada.