DAAW+VIDEO;-Shirweyne Beesha Cali Geri Uga Furmay Magaalada Buhoodle-(Video)-
Waxaa Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn maanta si rasmi ah uga furmay shir weynaha Beesha Cali Geri..
oo loogu magacdaray Towfiiq 2.
Waxaana shir weynahan Towfiiq 2 ay kasoo qayb galay qaar kamid ah isimada Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn, Cuqaal, Waxgarad, Culumo Awdiin, Qurbajoog, Ururada Bulshada kala duwan iyo Marti sharaf kale oo ka kala yimi Deegaanada kale ee Gobolada Sool, Sanaag, iyo Cayn.
Shirkan Towfiiq 2 oo ay Beesha Cali Geri kaga tashanayso aayahooda, horumarinta iyo nabad kula noolaan shaha beelaha kale ee dega deegaanka gobolka Cayn.
Halkan Riix oo Daawo Video-ga
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Buuhoodle/Cayn
Axmed Maxamed Nadiif
Afbakaylenews@gmail.com
