afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:31 am | Posted by

Warbixin Xaalada Dugsiga Sare Ee Muuse Yuusuf Laascaanood-(Video+Sawiro)-

Laascaanood,(lasanod Online)- Agaasimaha hay’adda Somali Relief, Rehabilitation, & Development Agency (SORDDA), Abdiqani Ismail,ee saldhigeedu yahay dalka Kanada ayaa buuqday dugsiyo farabadan oo ku yaala gobolka Sool. Dugsiyadaa waxaa ka mid ahaa dugisga sarre ee Las anod ee Muuse Yusuf oo ay dhigtaan arday isugu jirta Grade 9 ilaa grade 12 oo tiradoodu dhan tahay in ka badan 700 oo arday.

Daawo Video

Macalimiinta iyo maamulka dugsiga sarre ee Las Anod waxay ku shaqeeyaan iskaa wax-u-qabso (Voluntary basis) ayna ka muuqato in macalimiinta iskuulkaa dhigtaa ay u baahan yihiin tayayn dhaqaale iyo mid xirfadeeba.

Baahiyada ugu weyn ee dugsiga sarre ee Las Anod haysatay waxay ahaayeen mid aan halkan lagu soo koobi karin , laakiin waxaa ugu muhiim sanaa labo baahiyood:

1) Baahida fasaladda (Class Rooms-ka) oo ku yar dusgsi marka loo eego tiradda ardada dhigata dugsiga. Sida ay noo sheegeen gudigga ardayda(Student Committee)  fasal kasta waxaa dhigata ama ku jirta arday ilaa boqol ah oo ay adag tahay in hal macalin uu u gudbiyo aqoon, ama uu saxo leyli-gurigooda (homework).

2) Baahida kale ee aan aragnay, isla markaana ardadu noo sheegeen waa Computer-la’aan ka jirta dusgisa. Haba yaraatee wax aqoon & qalab computereed oo dugsigaa yaalaa ma jiraan. Taasina waxay sababtay in ardada dugsiga sare ee Las anod ayan la jaan qaadi karin, ardada kale ee goboladda kale haddii ay nasiib u yeeshaan inay Jaamacad aadan. Waxay kale oo ka xanibtay in ardadani ogaadaan ama helaan xogag dheeraada oo ka durugsan buuga loo dhigayo (Text Book theory).

Haddaanu nahay madaxda hay’ada SORRDA, waxaan si sharaf iyo naxariis leh uga codsanaynaa Jaaliyada Somaliyed gaar ahaan Jaaliyadda SSC, inay nagala qayb qaataan sidii aanu ugu dhisi lahayn, una qalabayn lahayn baahida Computereed ee dugsiga sarre ee Muuse Yusuf at Las anod. Waxaanu go’aansanay in boqol (100) computer oo desktop ah loo helo dugsigaas isla markaa loo dhiso hal qol (1) oo computer-lab ah. Haddii taa la helo waxaa dugsigaasi uu soo saari karaa dhalinyaro (wiilal/Gabdho) la jaanqaad kara waqtiga casriga ee ku dhisan Technologiyada.

Halkan hoose kadaawo Sawirada

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Warbixin Xaalada Dugsiga Sare Ee Muuse Yuusuf Laascaanood-(Video+Sawiro)-”

  1. Somali
    November 21, 2012 - 8:01 am

    War wax fiican baad samay nay saayee sidas kuwad.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM