Xasan Iyo Saacid Oo Kenya Iyo Itoobiya Looga Yeeray (Sirta Ka Dambaysa Safarkooda Maxay Tahay)
Kadib markii maalmahan khilaaf uu soo kala dhex-galay Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Kenya ayaa waxaa magaaladda Nairobi looga yeeray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu la kulmo dhigiisa Madaxweynaha Kenya Kibaki,iyagoo ka wada-hadli-doono sidii loo xoojin-lahaa xiriirka labada wadan iyo sidii loo taageeri-lahaa qorshaha ay Kenya dabada ka riixeyso ee maamul u sameynta Goboboladda Jubooyinka.i
Dhinaca kale R/wasaarahe Saacid ayaa lafilayaa in uu ku wajahanyahay dalka Itoobiya oo isna ciidamo ay Soomaaliya kajoogaan, waxaana wararku sheegayaan in Saacid uu kula kulmi doono dhigiisa Ethiopia xarunta dakkaasi ee Adis Ababa,iyagoo ka wada hadli-doono xoojinta iyo xiriirka labada wadan iyo sidii loo taageeri-lahaa Maamulka Jubooyinka oo Wadamada IGAD oo Kenya iyo Itoobiya ka mid tahay ku cadaadinaya Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha inay u hogaansamaan Maamulka IGAD ay taageersantahay ee dadka Deegaanka Jubooyinka ku dhisanayaan bisha Diseembar maamul la magac-baxay Jubaland-State.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com