farole bil iyo badh baa u hadhay ama xisbi ha ku dhawaaqo ama yuu ku dhawaaqin wax aan ka yeeleyno maaha waxaasi
Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Dawladda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo marna ahaa Wasiirkii Maaliyada Puntland oo sheegay in Xisbiga HORSEED ee u ku dhawaaqay Madaxweyne Faroole mid lagu marin hanaabinayoHay’adaha taageera Hannaanka Dimuqraadiyadda.
Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa ugu horeyn sheegay in Xukuumadda uu madaxa ka yahay Cabdirixmaan Faroole uu ka dhamaaday wakhtigii la doonayey in Xisbiyo Doorashooyin la furto isla markaana ay u harsantahay bil iyo bar mudadaas ka dibna looga baahanyahay inay Doorasho qabtaan.
Waxa uu tibaaxay Siyaasi Gaagaab in Xisbi la furto ay u baahantahay wakhti badan ayna u arkaan ku dhawaaqida Madaxweyne Faroole ee XisbigiisaHORSEED in uu yahay mid iska dheh ah oo la doonayo in hay’adaha ku shaqadda leh ee Dimuqraadiyada lagu doonayo in lacago looga qaato.
Xisbiga HORSEED ee Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole,waxa uu rajo xumo ka muujiyey ineyba dhici karto in Xubnaha ku jira labadda Golle ayba dhici karto iney maalmaha soo socda ku dhawaaqaan iney furtaan Xisbiyo si dadka loogu maaweeliyo in Wadadii Xisbiyadda badan horumar loo qaaday,waa sida uu sheegay Gaagaab.
Mudane Gaagaab ayaa tilmaamay in xiligan aan looga baahneyn in Xukuumadda Puntland ee hadda jirta bilowdo iney ka shaqeyso Hannaanka Dimuqraadiyadda ee lagu furanaayo Xisbiyadda,taasina ay u taala Xukuumadda cusub ee soo socota tanina ay tahay mid Jiritaan beeleysa bil iyo bar ka dib.
Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Dawladda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa sheegay in Jiritaanka Baarlamaanka Puntland uu dhamaaday 31- Oktobar haddana uu yahay mid sharci darro ku shaqeynaaya.
Waxa uu ugu baaqay Xukuumadda Puntland ee hadda jirta iney ka shaqeyso sidii ay u diyaarin lahayd Doorasho ka dhacda Puntland isla mar ahaantaana aysan isku mashquulin iney muddo Sanad ah ku darsato.
Si kastaba arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili maanta uu Gollaha Baarlamaanka Puntland kaga hor dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Xisbi Siyaasadeed loogu sheegay in uu bilow u yahay Xisbiyadda ka qaadan doona Doorashooyinka la doonayo iney dhacaan,kaas oo loo bixiyeyHORSEED,waxaana durba soo baxaysa diidamadda lagala hor imaanayo.