Maxamed Dheere Oo Goordhaw Lagu Aasay Magaalada Muqdisho
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir sidoo kale ahaa Gudoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa waxaa lagu aasay Goordhaweed Magaalada Muqdisho waxaana ka soo qeyb galay aaskiisa Madax badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Allaha Unaxariistee Maxamed Dheere waxaa lagu aasay Dagmada Warta Nabada ee Ex-wardhiiglay gaar ahaan Qabuuraha Sheekh Suufi waxaana halkaasi isugu yimid dad aad ubadan oo isugu jira madaxda Dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi kahadlay Wasiirka Arimaha Gudha ee Xuklumada Cusub ee Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuled waxaana uu sheegay in ay ka xun yihiin geerida ku timid Maxamed Dheere waxaana uu tilmaamay inay Rabi ugu baryayaan in uu kawaraabi Janada.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaana uu sheegay in marka hore ay rabi uga baryayaan in uu siiyo naxariistiisa marka labaadna ay iska cafiyaan Bulshada Soomaaliyeed waxaana uu intaa ku daray hadalkiisa in Maxamed Dheere uu ahaa geesi an la’iloobi karin sida uu sheegay.