Siilaanyo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Kabo Iyo Digo-Xoolaad (Sawir)
Dadwayne aad u gadoodsan oo lulaya boorar ay ku qoran yihiin qoraalo ku lidi ah Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo booqasho ku soo gaaray Magaaladda Boorame ee Caasimadda Awdal ayaa dhalinyaro careysan oo ka soo horjeeda booqshadda uu Boorame ku-yimid lagu soo dhaweeyay Kabo iyo digo-xoolaad.
Dadwaynahan Mudaharaadayey ayaa waxa hogaaminayey Ardayda Jaamacadda Timacadde iyo qaar ka mid ah dhalinyaro ka careysan in Madaxweynaha Somaliland uusan waxba ka qaban baaritaankii 3-qofood oo u dhashay Beesha Samaroon oo 1-sanno ka hor lagu dilay Magaaladda Gabileey.
Waa markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya in shaqsi madax ah lagu soo dhaweeyo digo-xoolaad iyo kabo,iyadoo dhaqanka kabaha cirka loo taago qofkana lagu weeraro ay caan ku-ahaayeen mudaaharadaayaashii Carabta ee Wadamada Masar,Tuniisiya iyo Libya,waana markii ugu horeysay dhaqankan ay soo min-guuriyeen Soomaalida,iyagoo weliba ku soo kordhiyay mudaahaaraadka in digo-xoolaad lagu weeraro madaxda lagu mudaaharaadayo.
Dhacdadan ayaa dhalinyaradii ku dhaqaaqday Xafiiska Afbakayle.com ee Boorame u sheegay inay uga dan-lahaayeen inay tusaan Madaxweynaha Somaliland inaan laga rabin xukunkiisa Gobolka-Awdal oo dadka intiisa badan ay aaminsan-yihiin Maamul Goboleedka Awdal-State.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Boorama/Awdal
Afbakaylenews@gmail.com
way ku hagaagsan yihiin waxay ahayd inay xabbadna u raaciyaan illeen waa ogyihiin oo siilaanyo kabo iyo digo ku tegimaayo,e
lol laakiin waxaan is qaban baad isu gaysay caadifad baaa ku yar haysee meesha lagaga mudaharaaday odayga ee jamacada timacade ku taala waa gabiilaye booramaha maaha waxaad is diidsiinaysaa in gabiilay lagaga mudaharaadi karo siilaanayo adigoo u jeeda gabiilay isaaq baa dega majoorati ahaan