afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:03 pm | Posted by

Wariyayaal- bilaabay inay basaasiin u noqdaan maamulka Hargaisa ee ku sugan gobolka Sool ((warbixin))

Iyadoo dilkii arxan daradda ahaa ee loo geystay allaha ha u naxariistee Axmed saakin faarax ay todobaadyo ka soo wareegtay islamarkaana ay cabsi xoogan soo wajahday wariyayaasha tirada yar ee ku sugan magaalada laascaanood ayaa xiligan waxaa soo baxaya inay jiraan wariyayaal basaasiin ah una shaqeeyaan Saraakiisha Maamulka Somaliland ee gumaysiga ku haya bulshada sool.

Arintan basaasnimada ah ayaa waxay soo baxday kadib markii amar uu soo saaray Ninka ku magacaaban gudoomiyaha gobolka sool in la xidho wariye Cabdiqani Shuux oo kamid ah wariyayaasha ka hawlgala magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool

Baaritaan aan ku samaynay sababta uu gudoomiyaha gobolka sool uu amray in la xidho wariye cabdiqani shuux ayaa ahayd kadib markii wariye kamid ah wariyayaasha uu la hadlay Ninka isku sheega Gudoomiyaha gobolka sool una sheegay in wariye cabdiqani shuux uu qas ka wado goob ay ka socotay koox la sheegay inay u olalaynayeen xisbiga  odaysiilaanyo ee kulmiye.

Falkan noocan ah oo horey aan uga jirin magaalada laascaanood ayaa waxay noqonaysaa arin taxadar keeda leh laguna sii shaqayn karin maadama ay soo baxeen wariyayaal la shaqaysta maamulka somaliland basaasaasnimo & Cadaaqatana ku caanbaxay.

Waxaanu hadii arinkan uu sii socdo dhawaan soo gudbin doonaa magacyada Ragaas Basaasiinta ah, Kuna Caanbaxay Cadaqaatanida sharciga saxaafadana baal Maray.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Laascaanood/Sool

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM