Daawo;-Ururka Xamaas iyo Israiil oo si live ah Sawaariiq iskugu garaacay iyo Diyaaradaha Israel oo Masaajido.. (Daawo Muuqaal+Warbixin)
Waxaa aad u sii xumaaday Dagaalada ka soo cusboonaaday Koonfurta marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta ka dib markii maalmo ka hor halkaas lagu dilay Ahmed Al-Jabari oo ahaa raga hogaamiya ciidamada ururka Xamaas ee deegaanadaas maamula.
Dilkaas ka dib ururka Hamas ayaa Sawaariiqda ridada dheer waxa ay la dhaceen deegaanada Israaiiiliyiinta gaar ahaan magaalooyinka Jerusalam iyo Tel Aviv.Diyaaradaha dagaalka dalka Israel oo duqeeyay marinka Gaza waxaa ugu darneed Masjid weeyn oo uu haleelay Madficii Yahuuda waxaana halkaas ka dhacday dhibaato aad u baaxad weeyn .
Dhulka Falastiiniiyinta waxaa soo gaaray Masuul ka socda dawlada Masar waa Egypt’s prime minister Mr.Hisham Qandil balse dawlada Israel ayaa xuduuda marinka Qasa waxa ay soo dhoobtay Taangiyo iyo Dabaabaad ciidan oo aad u fara badan kuwaas oo sheegay in ay qaadi doonaan weerar dhanka dhulka ah .
Halkan kadaawo Video-ga
Xafiiska Shabakada afbakayle.com
Nairobi/kenya
Afbakaylenews@gmail.com
