Dumarka Oo Lagu Qaawiyo Laguna Bahdilo Safaarada Soomaalida Ee Nairobi(Fariin Gabdhaha Sooomaaliyeed Ay U Dirayaan Culimada Soomaaliyeed)
Dumarka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaaladda Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya ayaa qeylo-dhaan u diray Culumadda Soomaaliyeed,inay ka hadlaan bahdilaada iyo ihaanadda Safaaradda Soomaalidda ee Nairobi ay u geysanayso Haweenka Soomaaliyeed.
“Naayaa jalbaabkan teendhada ah bixi hadii aad Safaarada Baasaboor ka rabto”ayey igu yiraahdeen ayey tiri gabar magaceeda noogu sheegtay Hodan Cali oo diiday inay iska bixiso Jalbaabka,waxayna arin laga naxo ku tilmaantay in taataabasho iyo shaxaarinimo jirkeeda uu damcay inuu ku bilaabo,nin ka mid ahaa shaqaalaha Safaaradda,markii ay isku dayday inay u dacwooto Safiirka Soomaalidda Ambassador Cali Ameeriko uu si xun ula hadlay kuna wargeliyay in loo diidayo Baasaboorka hadii aysan jalbaabka teendhada ah iska bixin,waxayna arin laga murugooto ku tilmaantay in arin laga yaqyaqsoodo ay tahay in jirka Dumarka lagu bahdilo,raalina uu ka yahay Safiirkii loo dacwoon-lahaa oo qudhiisa ka mid ah shaxaariyaasha jirka Gabdhaha Soomaaliyeed ihaaneeya,iyadoo lagu xasuusto in ninkan Cali-Mukhalas uu gabdho da’da yar ah oo Nairobi ku sugan uu mustaqbalkooda ku cayaaray,isagoo ugu sheekeeya inuu Viso-Talyaani ah Cambarkooda ugu bedelayo.
Hodan ayaa diiday inay jalbaabka iska bixiso waxayna go’aan ku gaartay intii jirkeeda la qaawin-lahaa inaysan qaadan Baasaboorkii ay Safaarada ka soo doonatay,iyadoo doonaysay inay u safarto Magaaladda Dubai ee Imaaraadka Carabta,
Hadii aan nahay Bahda-Afbakayle.com waxaan ugu baaqaynaa Culimadda Soomaaliyeed ee Nairobi ku-sugan inay fadwo ka soo saaraan arintan bahdilaada iyo ihaanadda Haweenka Soomaaliyeed loogu geysanayo Safaaradda Nairobi oo hadda isu bedeshay goob lagu dhibaateeyo Dumarka Jalbaabka gashan.