Deg Deg: Qarax qasaaro xooggan Gaystay oo goordhow ka dhacay Xaafada Islii
War deg deg ah oo inaga soo gaaraya xaafada Islii gaar ahaan Section One ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan.
Qaraxan ayaa ahaa Bambo sida la sheegay gacanta laga tuuray oo lala beegsaday gaari dad shacab ah ay saaran yihiin, waxaana lasoo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.
“Qaraxa hada ayuu dhacay, waxaana aragnay gaari hal mar wada qarxay, gaarigana waxaa uu ahaa mid ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana loo yaqaanaa mataatuu”ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo aan lahadlanay.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay qofkaas aan lahadalnay in gaarigii oo dhan uu gubtay, haadana gaariga dhexdiisa laga soo dal dalayo dad aan lakala garan karin inay meydad yihiin ama ay dhaawacyihiin.
Ciidamada amaanka kenya ayaa guud ahaanba la wareegay halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay isku gadaameen dhamaan goobaha ka agdhow