afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:48 pm | Posted by

Deg Deg: Xaafadaha Qaar ee Islii oo lagu kala cararay iyo dad baangado lagu dilay

Dadkii ugu badnaa ayaa ka kala cararay xafada Islii gaar ahaan Secton One ilaa Six Street kadib qarax xoogan oo galabta ka dfhacay, waxaana qaraxas lala beegsaday gaari ay dad rakaab ah saarnaayeen.

Ilaa Lix Ruux ayaa dhintay 20 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxaas xoogan ee ka dhacay xaafada islii, iyadoona dadka waxyeeladaas soo gaaray ay ahaayeen dad Kenyan ah.

Markii qaraxa uu dhacay ayaa waxaa baangado lasoo baxay dad Kenyan caraysan ah kuwaas oo bartilmaameedsanaya Soomaalida kunool xaafada Islii.

Ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay geerida wiil dhalinyaro ah oo ay baangado ku dileen, sidoo kalana waxaa jira in ilaa shan ruux ay dhinteen inkastoo aan la cadayn karin.

Ciidamada kenya ee kusugan halka qaraxu ka dhacay ayaa iyagana riday rasaas xoogan, taas oo lasoo sheegayo in ay sababtay qasaaro aan la ogayn inta uu la egyahay.

Xaalada ayaa aad ukacsan.waxaana cabsida ugu xoogan ay haystaaa dadka shacabka ah ee Qaxootiga ku ah magaalada Nairobi ee Soomaalida ah iyo kuwa kale ee sharciga dalka haysta.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM