afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:33 pm | Posted by

Faah Faahin: Qasaaro xooggan oo ka dhashay qarax ka dhacay oo ka dhacay Xaafada Islii

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhow oo galabta ah ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Qaraxaas ayaa waxaa lala beegsaday gaari Mataatuu ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana lasoo sheegayaa in ku dhawaad 6 ruux ay geeriyoodeen ilaa 10 kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel aan ka dheereyn Boostadii hore ee Section One, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaas ka bato.

“Qaraxa hada ayuu dhacay, waxaana aragnay gaari hal mar wada qarxay, gaarigana waxaa uu ahaa mid ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana loo yaqaanaa mataatuu”ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo aan lahadlanay.

Lama oga ilaa iyo haatan in qaraxan uu ku dhex jiray gaariga iyo lagu weeraray, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ay soo wajahday.

Waxaa la sheegayaa in dad Kenyan ah oo caraysan ay soo qaateen mindiyo iyo baangado, taas oo cabsi ku abuurtay dadka shacabka Soomaalida ah.

Ciidamada Kenya ayaa isku gadaamay halka qaraxa uu ka dhacay, iyadoona dadka Soomaalida ah ay ka kala carareen guud ahaanba xaafada qaraxa uu ka dhacay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM