afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:50 am | Posted by

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaza iyo Wasiiro Carbeed oo kusii jeeda “Sawiro”

Xukumada Yahuuda ayaa maalintii shanaad weerar dhanka cirka iyo badda ah kuwada dhulka Muslimiinta ah ee Falastiin iyadoona weeradaas ay saamaynta ugu xoogan ku yeelatay haweenka iyo caruurta aan waxb agalabsan

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in 6 Wariye ay dhaawacmeen kadib weerar madfac ah oo Yahuudu ay ku riday magaalaga Gaza.

Saraakiil dhanka caafimaadka ah oo kusugan Gaza ayaa iyagana sheegay in ay dhinteen dad badan oo ay ku jiraan dad qoys ah oo madaafiic ay haleeshay.

Guryo aad ubadan ayaa bur buray, dadkiina waa ay ka carareen magaalada iyagoo ka baxsanaya in ay dhibaato kasoo gaarto duqeynta Yahuuda ay ka wado dhulka Falastiin.

Xamaas ayaa shalay oo sabti aheyd madaafiic badan la heshay gudaha Yahuuda, waxaana mid kamid ah uu ku dhacay magaalada  Tel Aviv.

Yahuuda ayaa dhanka kale xirtay dhamaan wadooyinka laga soo galo Magaalada Gaza, halkaas oo ay duqeynta kuwado mudo shan maalin ah.

Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Gaza ayaa sheegay in 48 ruux oo Falastiin ah ay dhinteen ilaa markii ay Yahuudu duqeynta ku bilowday magaalada, taas oo ahayd Arbacadii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa soo jeediyay in si deg deg ah Yahuudu ujoojiso xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiin, isagoo tilmaamay in lagaari karo xabad joojin rasmi ah, hase ahaatee ma uusan samayan wax balan qaad ah.

Ra’isul Wasaaraha Turkiga Rajap Ordugan ayaa isagana ku tilmaamay duqeynta Yahuuda xasuuq kadhan ah muslimiinta dalka Falastiin, isagoo shegay in beesha caalamka ay si deg deg ah arimahaas wax uga  qabato.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa isagana xabad joojin ugu yeeray dhincyada ku dagaalamaya Gaza, waxaana uu sheegay in la bad baadiyo dadka rayidka ah.

Hase ahaatee Hogaamiyaha Xamaas ayaa sheegay in aysan marnaba joojin doonin dagaalka ayna ka adkaan doonaan Yahuuda weerarka ku ah Islaamka.

Dhanka kale Shir deg deg ah ayaa ugu soo gabagaboobay magaalada Qaahira ee dalka Masar Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta, waxaana ay isku raaceen in wafdi heer wasiir ah loo diro Ghaza.

Booqashadan ayaa looga gol leeyahay, sida ay wasiirrada Carabtu sheegeen, in lagu garab istaago shacabka reer Ghaza ee dhibtu gaartay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaza iyo Wasiiro Carbeed oo kusii jeeda “Sawiro””

  1. mawliid xasan max.ud
    November 18, 2012 - 4:35 pm

    waxaan dadka islaamka ugubaaqayaa inay ugargaaraan walaalahooda islaam ka ah waxkasta oo ay awopodaan

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM