afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:04 am | Posted by

Daawo+Sawiro;-Faah Faahintii ugu danbaysay ee xaalada xaafada Islii, Rasaas wali dhacaysa iyo meel wax laga gato oo la’ layahay

Xaalada Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa wali ah mid aad ukacsan, waxaana la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada amaanka  ee Kenya.

Dad Kenyan ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka kuwaas oo ugaarsanaya Soomaalida xaafada Islii, iyadoona lasoo sheegayo in ay jiraan dad dhibaato loo gaystay.

Gabi ahaanba waxaa xiran ganacsigii xaafada Islii, dadkii tirada badnaana maanta ma joogaan xaafada oo waxaa ay ukala carareen xaafadahooda.

Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay waxaa dhibaatooyin dhaawac ah ay soo gaareen 5 ruux oo Soomaali ah oo mid kamid ah lagu sheegay in ay ahayd gabar lafara xumeeyay.

Dadka Soomaalida ah ayaa lagala dagayaaa gaadiidka dadweynaha ee ay saaran yihiin sida uu sheegay qof si dirqi ah kaga soo baxsaday kooxo soo weerartay.

Xafiiska Xildhibaanka deegaanka Kaamakunji Yuusuf Xasan ayaa dadka Soomaalida ah ugu yeeray in ay guryahooda ku ekaadaan oo aysan banaanka usoo bixin, sidoo kale waxaa uu uga digay inaysan raacin gaadiidka dadweynaha oo shacabka Soomaalida ah lagu ugaarsanayo.

Ciidamada Kenya oo iyagana kusugan Xaafada ayaa ridaya rasaas xoogan oo dadka soo xasuusinaysa deegaanadii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Rasaasta la ridayo ayaa waxaa ay ciidamada ku kala kaxeynayaan Kenyanka ugaarsanaya dadka Soomaalida ah ee xaafada Islii, waxaana ay gacanta ku dhigeen qaar badan oo kamid ah kooxaha falkaas gaysanaya.

Goordhow oo daqiiqado kahor ah waxaa gabi ahaanba seexday oo dhulka ku gambaday dadka kusugan aaga 12Street oo aysan wax saamayn ay kuyeelan rabshadaha, waxaana dadka cabsi galiyay kadib markii askari Kenyan ah lasheegay inuu rasaas kor uriday.

Xaalada ayaa wali ah mid aad ukacsan, dadkana guryahooda ayay ku xiran yihiin, taas oo ay dheertahay inaysan jirin meel ay quutul yoom ama wax ay ucunaan uraadsadaan maadaama dukaamada ay xiran yihiin.

http://wardeeq.com/wp-content/uploads/2012/11/DSC01083.jpghttp://wardeeq.com/wp-content/uploads/2012/11/DSC011031.jpg

http://wardeeq.com/wp-content/uploads/2012/11/DSC01115.jpghttp://wardeeq.com/wp-content/uploads/2012/11/DSC01105.jpghttp://wardeeq.com/wp-content/uploads/2012/11/DSC01104.jpg

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM