afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:50 pm | Posted by

DAAWO+SAWIRO:-Markii u horaysay ayaa hawlo samafal ah ay hay’ad Turkish ah ka fulisay deegaanada Khaatumo State .

DAAWO+SAWIRO:-BILOWGA DEEQAHA TURKIGA IYO XIRIIRKA MAAMULKA KHAATUMO IYO TURKIGA

 

Markii u horaysay ayaa hawlo samafal ah ay hay’ad Turkish ah ka fulisay deegaanada Khaatumo State .

Hawshan oo ahayd xoolo gawrac ( UDXA) Xiliga Ciidal-Udxada oo ay ku soo deeqeen dadwaynaha reer turkiya una soo wakiisheen hay’ad Turkish ah oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho laguna magacaabo (HASENE) .

Deegaanada SSC (Khaatumo) waxaa ka fuliyay wasaaradda arimaha dibada iyo jaaliyadaha oo uu hormuudka ahaa fulinta hawsha wasiirka wasaaradda Xuseen Saleebaan X.Axmad .

Deeqdan xoolo qalka ah ayaa waxaa laga fuliyaay deegaano badan oo ka tirsan Gobolada SSC ee Maamulka Khaatumo , deegaanada laga fuliyay waxaa ka mid ah

Taleex,Buuhoodle,Awr-boogays,Fiqifuliye,Boocame,Karin-Shareeco,Karin-Gorfood,Dhumay,Widh-Widh,Kalabayr,Shaxda,God’aalo,Carroolay iyo deegaano kale.

Deeqdan ayaa waxay kusoo beegantay xili la sheegayo in xiriirka Hay’addaha Turkiga iyo Maamulka Khaatumo sheegayaan in uu aad u wanaagsan yahay , Waxaa kaloo la filayaa in Deeqdani tahay bilowgii waxqabadka hay’addaha Turkiga ee Deegaanada SSC.

Waxaa la filayaa in mashaariicda Turkigu ugu talagaleen gobolada dalka in deegaanada Khaatumo ay soo gaadhi doonaan wixii qayb u helaan .

Deeqdani waxay imanaysaa Iyadoo bishii ina soo dhaaftay ay ka ambabaxeen magaalada muqdisho arday ka soo jeeda deegaanada khaatumo oo deeq waxbarasho(SCHOLARSHIP) ka helay Dalka Turkiga Deeqdan waxbarasho oo turkigu ugu deeqay Maamulka khaatumo ayaa waxaa ku tagay arday gaadhaysa tobon iyo dhowr arday, Ardaydan oo ah ardaydii ugu saraysay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee markii ugu horaysay Maamulka khaatumo uu ka qaado deeganada SSC.

Isku soo wada duubo waxaa hawlahani imanayaan kadib safaro iyo wadahadalo ay beryahaaba deegaanada ugu maqnaayeen wafti balaadhan oo ka mid ah Golaha Madaxtooyada Wasiiro ka tirsan Maamulka khaatumo iyo Golaha sare ee Dhaqanka Khaatumo.

Weftigan oo inbadan maqnaa ayaa waxa wararka laga helayo sheegayaan in waxbadan ay u soo qabsoomeen safaradoodiina guul ku soo dhamaadeen horaantoodiina deegaanada ku soo noqdeen .

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili la filayo inay shirkado badan oo ay ugu soo horeeyaan wadamadda Shiinaha, Turkiga, Iiraan, wadamo carbeed iyo kuwo reer Galbeed ah badankoodana ay masuuliyiinta Khaatumo eek u sugan magaaladda muqdisho ay ku dadaalayaan sidii ay qaybtooda uga heli lahaayeen kulamo aan tiro lahayna ay la qaateen haw badnaado wadanka Turkiga oo isagu meel banana saaraywaxa ay qayb ahaan maamulkaasi u leeyihiin.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM