Daawo+Sawiro;-Labo qof ayaa ku geeriyootay Dab kakacay Hotel kuyaal Xaafada Islii ee magaalada Nairobi
Waxaa Xalay Habeenimadkii Uu dab xoogan kakacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi Kaasoo ay ku geeriyooden labo ruux oo Soomaali ah kadib markii koronto ay la qaraxday mid kamid ah Hotelada Xaafada islii Gaar ahaan Six Street .
Mulkiilaha huteelka oo U waramayay warbahinta Afbakayle.com ayaa sheegayin dabkani uu kacay xalay saqdiidhexe abaaro 12 kii habeenimo,Waxaana uu sheegay in dabkan uu dhaliyay inay dhintaan labo qof oo kamid ah Dadkii Hoteelka Hurday.
Waxanaa Uu Dabkani kadhashay Koronto Kasoo ay kicisay barayso uu galiyay mid kamid ah dadkii hurday Hoteelka halkaas Oo uu Dab kakacay
Dhankale Waxaa Isna Gabi ahaanba gubtay Hoteelka oo dhan,Goobta Hoteelka Kuyaal Marka ay ishaadu qabato ayaad arkaysaa dhamaan Dhismaha Hoteelka oo uu kamuuqdo burbur balaadhan .
Dad badan oo kamid ah kuwa xaafada Isli ayaa ka qeyb qaatay daminta dabkaas xoogan ee ka kacay mid kamid ah hotelada xaafada Islii.
Cadnaan saalax maxamed
Nairobi/kenya
Afbakaylenews@gmail.com





