afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:20 am | Posted by

War Deg Deg;-Rabshado Waawayn oo kaSocda Xaafada Islii iyo Rasaas xoogan oo dhacaysa

Bartilmaameedsanayo dadka Soomaalida ah ayaa saakay ka soconaya xaafada Islii ee magaalada Nairobi, iyadoona la maqlayo rasaas xoogan.

Madow Kenyan ah oo ku hubaysan Baangado, Toorey iyo dhagxaan ayaa qabsaday wadooyinka qaar ee xaafada Islii iyagoo bartilmaameedsanaya dadka Soomaalida ah ee xaafadan ku badan.

Taayaro ayay ku gubayaan laamiyada, iyagoo qabanaya hadii ay arkaan qof Soomaali ah kadibna dilaya sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Sidoo kale Waxaa ay ceyrsanayaan gaadiidka raaxada oo ay isticmaalaan Soomaalida ugu badan ee xaafada Islii iyo guud ahaanba dalka.

Kenyankan ku hubaysan Baangadaha ayaa dhanka kale istaaji naya gaadiidka dadweynaha iyagoo ka dhex raadinaya dad Soomaali ah.

Xaalada markii ay sii adkaatay ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka kuwaas oo rasaas xoogan ku furay kooxaha Kenyanka ah ee bartilmaameedsanaya dadka Soomaalida ah.

Rasaastaas ayaa la sheegaya in ay waxyeelo kastoo gaartay qaar kamid ah kooxihii Kenyanka ahaa sida uu sheegay goobjooge wax arkayay isagoo saaran dabaq dheer.

Xaalada ayaa aad ukacsan, waxaana xiran inta badan goobihii ganacsiga, sidoo kale waxaa yar dhaq dhaqaaqa dadka Soomaalida ah.

Qarax shalay ka dhacay Xaafada Islii oo gaystay dhimashada 7 ruux iyo dhaawaca ilaa 30 kale ayaa keenay in xaalada xaafada Islii ay noqoto mid aad ukacsan.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM