afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:40 am | Posted by

War;Dag Dag ah;-Labo askari oo lagu toogtay Gaarisa

Koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa goor dhowayd waxay labo askari oo ka tirsan ciidanka milateriga Kenya ku toogatay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya, sida uu ku soo warramayo weriyaha Bar-kulan ee gobolkaas.

Dilka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka dugsiga sare ee Garissa High School.

Dableydii dilka gaysatay ayaa goobta ka baxsatay, ilaa haddana ma jirto cid loo qabtay falkaasi.

Dhacdo noocan oo kale ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay labo askari oo ka tirsanaa booliska Kenya, kuwaasoo markii la dilay kaddib laga qaatay bastoolado ay siteen.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo rabshado ay ka socdaan xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, halkaasoo shalay lagu qarxiyay bas ay saarnaayeen dad rakaab ah.

Inta badan ganacsiga xaafadda ayaa maanta xiran, iyadoo dhallinyaro ka caraysan qaraxii shalay ay bar-tilmaameedsanayaan dadka Soomaalida ah iyo goobaha ganacsiga ee xaafadda.

Ciidamo boolis ah oo la geeyay xaafadda Eastleigh ayaa isku dayaya inay joojiyaan rabshadaha socda.

Shan qof ayaa ku dhimatay, labaatameeyo kalena waa ay ku dhaawacantay qarax bas oo shalay ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM