Daawo;-Mid ka mid ah Laacibiinta Dunida ugu Xanaaqa badan oo si Farsameeysan loo dajiyay (Daawo Muuqaal ahaan+Warbixin)
Qaar ka tirsan Saxaafada dalka Ingiriiska ayaa waxa ay daba dhigteen Weeraryahan Carlos Alberto Tevez oo ay ku sheegeen Xiddig loo caqli celiyay weliba la baray sida loo la dhaqmo dadka ama Beni´aadanka kale .
Halkaan ka Daawo Weeraryahan Sergio Aguero oo Maskax ahaan dajiyay Carlos Tevez
Xiddigaan oo ahaan jiray Laacib uu xaanaqa mar kasta Sanka ka saaran yahay ayaa waxaa mudooyinkaan dambe gacanta ku dhigay Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo kooxda Manchester City Sergio Leonel Agüero del Castillo .
Ciyaaryahan Carlos Alberto Tevez oo mid mid ula soo dagaalay inta badan Xiddigaha kooxda Man City iyo Macalin Roberto Mancini ayaa iminka waxaa Farxadiisii dib u soo celiyay ciyaaryahan Sergio Aguero oo la sheegay in uu aad uga Caqli badan yahay waliba uu shuruud la´aan baray sida loo la dhaqmo bulshada.
Muuqaalo lagu faafiyay Aalada Internet-ka ayaa waxaa mar qura lagu dhex arkay Weeraryahan Sergio Leonel Agüero del Castillo oo Ciyaaryahan Carlos Alberto Tevez baraayo sida loo hadlo ama loo dhiibo Wareeysiga marka la hor taagan yahay Kaamerada Joornaaliistayaasha .
Weeraryahan Sergio Aguero oo Muuqaalkaan si aan caadi aheeyn ugu baashaalay Ciyaaryahan Carlos Alberto Tevez ayaa waxa uu kuu qirayaa in Xiddigaan shaqsi ahaan laga Caqli badan yahay waliba xanaaqiisii faraha badnaa laga dhigay mid ugu dambeeyntii Qosol isku badalay !!
