Qaraxii ka dhacay Magaalada Nairobi Madaxweyne Xasan Sheekh muxuu ka yiri
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii Maalintii Axadii ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehalada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxa oo uu ku sifeeyay inuu ahaa fal argagixisinimo ah oo lala bartilmaameedsaday dad aan waxbo galabsan.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu soo hadal-qaaday howlgalka ciidanka Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid ciidanka Kenya ay naftooda ugu hurayaan sidii ay nabad iyo xasilooni ugu soo celin lahaayeen Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarada nuucani oo kala ah suurtagal ka dhigi doonin in ammaanka Kenya wax u dhimo iyo inuusan waxba u dhimeyn xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.