afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:42 pm | Posted by

Go“aamadii ka soo baxay shirkii qurbajoogga Maxamed Garaad (Bah-arsame)-

Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen qurbajoogga beesha Maxamed garaad oo lagaga arrinsanyey xaaladda guud e deegaannada Khaatumo state, shirkaas oo ahaa nooca looyaqaan telephone confrece, ayaa beeshu waxay kaga hadleen xaladihii hore uga taagnaa deegaanada Khaatumo state iyo kuwa hadda soo cuboonaadayba, wada hadal muddo dheer qaatay iyo gorfayn badan waxaa beesha qurba jooggeedu isku raacay qodobbadan hoos ku qoran:

1-in la xoojiyo oo lalaba jibbaaro midnimda wada jirka iyo wax istarka guud ahaan beelaha ku bahoobay maamulka Khaatumo state of Somaliya.
2- in la soo celiyo deegaanka maqan ee Khaatumo, lana difaaco deegaanada xorta ah maamulka Khaatumo.
3- in si wada jir ah looga hortago duullaanka gardarada ah ee beelaha dirta woqooyi ku hayaan deegaanada Khaatumo state.
4-in taageero hiil iyo hoo ba leh lala garab istaago maamulka khaatumo state, si ay u gutaan waajiboodkoodii loo samaystay.
5- waxay beeshu taageertay soona dhawaynaysaa goaankii ka soo baxay shirkii ay galeen walaalahayo deegaanka Nugaasha beesha (Ugaadhyahan), kaasoo ahaa goaan wax ku ool ah sida ay u qaateen si lamid ah ayaa beeshu ula qaadatay.
6- in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto jiritaanka midnimada sharafta iyo karaamada ummadda reer khaatumo hadduu yahay mid u dhashay iyo mid kaleba.
Ilaahay baa mahad leh.
Guddiga jaaliyadda

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

2 Comments for “Go“aamadii ka soo baxay shirkii qurbajoogga Maxamed Garaad (Bah-arsame)-”

  1. ismail
    November 20, 2012 - 9:39 pm

    wax dhulbahante sharaftiisa dilay shooki daarada haddii shooki daaraduu sheegay mr: Walah oo lga dhabeeyo oo aan nin waliba ninkiisa farta ku fiiqin shir wax tari maayo shooki daarada hadda ugu waaweyn ee dhulbahante lugta jiidayaa waa Ugaadhyahan iyo Bahararsame ee runta ha la sheego yaan lays huursan

    Reply
  2. keligiiduul
    November 21, 2012 - 10:00 am

    ismail
    iyadoon aan wax cadaawad iyo nin ama reer aan lagu xumeynayn walaahi ismaaciil waa runtaa in ugaadhyahan iyo baharsame iyagu yihiin shooki daaro
    weligood labadan reer iyagaa dhulbahante baa’inayey.kala qaybinayey,kala hororsanayey kuraasta iyo wasiiradii dowladihii somaliya.waan la soconaa wixii dhexnaray ina dafle iyo ala ha u naxariistee garaad cali
    bal snm iyo buntiland yara eeg kuwa horgalada ka ah.
    kaatumo kuwa horboodaya ee marna leh wax baan xoreynaynaa marna leh angu dagaal marabno.
    labadaan reer nacaybka iyo tartanka siyaasadeed ee sed bursiga ah ee ay isku hayaan waaka dhulbahanate ficiis ka reebay.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM