afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:28 pm | Posted by

Haayada (NAKDA) Oo Olole Qaran ka fulisay Magalada Buhodle (Sawiro)

Iyadoo aynu Ognahay dhibaatooyinka dhaqaale iyo Caafimaad darro ee deegaanada Khaatumo, ayaa Hay’adda wadaniga ah ee NAKDA (North American Khatumo Diaspora Association oo lagu aas aasay magaalada San Jose, CA ee wadanka Maraykanka ayaa waxa ay qabanqaabisay oo Dadaal badan Ku bixisay wax ka qabashada adeegyada aasaasiga u ah nolosha, iyadoo ay xooga saartay caafimaadka iyo tacliinta. Hay’addu waxay ku hawl’lantahay imika sidii Cusbitaalka Guud ee Buuhoodle dib u dhisid loogu samayn lahaa looguna dari lahaa qaybaha ka dhimman.
Shalay ayay ahayd markii ay NAKDA qabatay Olole nadaafadeed (Cleaning event) o ballaadhan laguna nadiifinayo Cusbitaalka guud ee buuhoodle.
Hay’addu waxay waxqabadkeeda ka bilaabaysaa Gobolka cayn gaar ahaan Buuhoodle, iyadoo ballan qaaday in hadii alle idmo ay waxqabadyo muuqda ka fulin doonto dhammaan deegaanada Khaatumo sida Sool, Sanaag Iyo Cayn.

Ololaha Nadaafadda ee maallintii shalay ahayd ay Hay’addu u samaysay Cusbitaalka Guud ee Buuhoodle ayay aad ugu farxeen Masuuliyiinta cusbitaalka iyo shacabka reer Buuhoodle. Doctor Cawil Cabdi Hiirad oo ah Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka ayaa si diirran usoo dhaweeyey dhalinyarada fulinaysay ololaha nadaafada, isagoo sheegay in ay u saxeexeen haayada inay Masuul ka tahay Dhismaha Cusbitaalkan, sidoo kalena so dhaweeeyey waxqabadka iyo dadaalka ay wadaan dhalinyaradu.

Cabdiraxiim Rabiish oo ah Wakiilka u jooga Hay’ada deegaanada Khaatumo ayaa isagoo ku hadlaya Magaca Hay’adda ballan qaaday inay dhisi doonaan Cusbitaalka. sidoo kalena sheegay in waxqabadka Hay’adani uusan ku koobnayn Buuhoodle Balse ay Rajaynayaan in marka ay dhamaystiraan Dhismaha Cusbitaalkan ay u gudbi doonaan deegaanada Kale sida Sool Sanaag Iyo Cayn.

Hay’adani waa hay’ad Diyaar u ah inay wax u qabato bulshada deegaanada Khaatumo sidoo kale waa hay’ad ka qayb qaadanaysa horumarka deegaankan run ahaantiina waxaan aaminsanahay in hadii aynu is kaashano oo gacmaha is qabsano aynu wax ka bedeli karno Nolosha umada ku dhibaataysan deegaanka.

North American Khaatumo Diaspora Association waxay idin leedahay “Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.”

NAKDA contact info: nakdacenter@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM