afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:57 pm | Posted by

Daawo+Sawiro;-Kulan lagag Hadlayay Sidii looga Hortagi lahaa Rabshadihii Ka dhacay Nairobi ayaa Maanta Lagu Qabtay Xaafada islii

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kaamukunji oo ay Islii ka tirsantahay Yuusuf Xassan, xildhibaanada laga soo doorto deenaada ku hareereysan xaafadda Islii, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ee kenya,xubno ka socday gudiga is dhex-galka iyo isku duubnida qaran ee dalka kenya,safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya, culumaa,udiin, ganacsato iyo dadweeyne aad u fara badan.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay sidii aysan dib uga dhici lahayn xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto qalalaasihii shalay hakiyay ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka ee xaafadaasi.

Xildhibaanka Kamakunji Yuusuf Xassan ayaa sheegay in aan la ogolaan karin waxyeeleynta iyo boobka loo geysanayo hantida iyo ganacsiga Islii.

Masuuliyiintii ka hadlay kulanka ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin dhibaatadii iyo qaraxii ka dhacay xaafadda Islii iyagoo sheegay in loo baahanyahay in waxyaabaha ka dhaca xaafadaasi aan lagu eedeyn karin dad gooni ah,iyadona tibaaxay in aan isku dhacyada lagu saleeynin diin ama qoomiyad loona baahanyahay in nabadda deegaanka si wada jir ah looga shaqeeyo,

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday sidii xaafadda Islii oo ay Soomaalidu dagto looga sameeyn lahaa ciidamo boolis ah oo amaanka xaafada ilaaliyo.

Kulankan waa kii ugu horeyay ee nuuciisa oo kale oo lagu qabto xaafadda Islii loogana tashanayo sidii wax looga qaban lahaa amaanka xaafadaasi.

 

Sawirada Kulanka Hoos Ka Daawo.

Photo By Cilmi Maxamed Waare

Source:Radiomuqdisho.net

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM