Rabshado xalay ka dhacay Xaafada Islii iyo Dad Kenyan ah oo la dilay iyo Saaka Oo Cabsi xoogan Kajirto
Rabashado lasoo warinayo in ay qasaaro gaysteen ayaa xalay mar kale ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi, taas oo daba socotay rabshadihii ilaa shalay soconayay.
Kooxo isu soo aruursaday oo kala ah Soomaali iyo Kenyan ayaa isku ugaarsanayay qeybo kamid ah xaafada Islii iyadoona lasoo warinayo in ay dhimasho jirto.
Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaro Soomaali ah ay si aargoosi ah udishay nin Kenyan ah halka mid kalana ay dhaawaceen
Labada qof dilkooda waxaa loo adeegsaday baangado iyo tooreeyo, waxaana falkaas ka dambeeya dhalinyaro Soomaali oo caraysan sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen
Ciidamada amaanka ayaa si deg dge ah ugaaray halka dilka uu ka dhacay, waxaana lasheegay in ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 10 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo lagu istaajiyay rasaas xiligii dilka uu dhacayay.
Tanina waxay sii hurinaysaa colaadda dadkii sanado badan wada dagganaa ay kasii darto. Ciidamada Ammaanka iyo kuwa milatariga ayaa isku dayaya in xaaladda la dajiyo.
Sidoo kale Rabashado kale ayaa laga soo wariyay xaafado kale oo kamid ah Islii halkaas oo ay weeraro ku qaadeen kooxo Kenyan ah oo ku hubaysan Baangado iyo dhagxaan.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com