afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:55 pm | Posted by

Daawo+Sawiro;-Shir Jaraa,id oo ay waa qabteen jaaliyadah Khaatumo Maakhir & Awdal

Shirkan jaraa’d oo ayay soo qaban qaabiyeen siyaasiyiin ka soo jeeda sadexdan gobol iyo qaar ka mid ah ururarada haweenka jaaliyada khaatumo ee magaalada Toronto.

 

Aqoon yahano iyo wax aad u tiro badan oo shirkan ka soo qayb galay ayaa halkaa ka soo jeediyey khudbado.

 

Ujeedada shirkan jaraa’id ayaa ahayd in mar labaad la saxuusiyo Madaxweynaha dawlada koonfureed mudane Hassan Sheikh Mohamoud in uu iska ilaaliyo khaladaadka uu ka gelayo qabaa’ilka ku dhaqan gobolada waqooyi.

 

Siyaasiyiintan ayaa diirada saartay in ay la socdaan wada shaqeynta ay dawlada Muqdisho kula jirto maamulka goboleeda Hargeysa.

 Halkan kadhagayso shirka

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Daawo+Sawiro;-Shir Jaraa,id oo ay waa qabteen jaaliyadah Khaatumo Maakhir & Awdal”

  1. Gabaygii qiimaha badnaa ee habeenkii calankaa buluuga ah la taagay uu tiriyay abwaan timo cade halkan ka akhriso
    November 21, 2012 - 8:13 pm

    ABWAAN TIMA CADDE WAXAA UU YIRI:

    Anigoo sebi uun ahoo
    Sita leeb iyo qaansoo
    Siigaduun isku aasoo
    Sabo reer ka fogaanoon
    Laygu aaminin soofkiyo
    Saaca maanta aan joogno
    Gabaygu waygu sugnaayee
    Haddii aan Sarsarriigo
    Ama aan surmaseejo
    Amaba aan sixi waayo
    Ama aan ka salguuro
    Amaba laygu saluugo
    Soomaalida i maqlaysaay
    I su’aala hadhow
    Ilaahaan waxba seegine
    Subaciisa Quraankiyo
    Sabbaxooyin ku sheegayow
    Saciira iyo naciima
    Rabbiigii kala seerayow
    Markay suurtu dhawaaqdo e
    La soo saaro makhluuqa e
    Shaqiga iyo saciidka
    Maalintaad kala soocdo
    Dembigaannu samaynay
    Rabbigayow naga saamax
    Subciyay oo ka dukeeyaye
    Ka siddeetan sebaaney
    Calankaannu sugaynaye
    Sahankiisa ahaynow
    Seermaweydo hillaacdayow
    Sagal maanta darroorayoo
    Siigadii naga maydhayow
    Saq dhexaannu ahayne
    Kii soo saaray cadceeddow
    Samada kii u ekaaye
    xiddigaa mid la siiyayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma-nusqaamow
    An siduu yahay eegno e
    Kaana siib Kanna saar

    Saahidiinta lslaamka e
    Subcisaa Jimcayaashiyo
    Sibyaanta iyo haweenku
    Calankay Saadinayeenow
    Cidina kaanay na Siine
    Saatir noogu yaboohayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma-nusqaamow
    Aan siduu yahay eegno e
    Kaana siib kanna saar
    Sallaankii istiqaalkow
    Sedadu kay ku xidhnaydow
    Sayruukhii Afrikaadow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma-nusqaamow
    An siduu yahay eegno e
    Kaana siib kanna saar

    San-ku-neefle dhammaantii
    Khalqiga kii u sinnaayeen
    Mid saaxiib la ahayne
    Sangalkii iska diidayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma-nusqaamow
    Aan siduu yahay eegno e
    Kaana siib kanna saar

    Soomaloo iscunaysa oo
    Saqda qaylo dhawaaqdiyo
    Sulub laysu cabbaystiyo
    Hadba soof la xabbaadhiyo
    Saraayaa dami weydey
    Kii laydhiisu na saaqdayow
    Kii sadqeeyey qabaa’ile
    Isu saaray gacmaa ee
    Saf walaala ka yeelayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma-nusqaamow
    An siduu yahay eegno e
    Kaana siib kanna saar

    In sidayda tihiin iyo
    In kalaanan saxaynine
    Soomaloo calan taagta
    Saakay noogu horraysa oo
    Saddex wiig iyo maalmo
    Haddaan Soor cuni waayo
    Safrad laygama yaaboo
    Sarina mayso naftayda e
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma-nusqaamow
    An siduu yahay eegno e
    Kaana siib kanna saar

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM