Masuuliyiintii Amniga Maamulka Faroole Oo Amni-darro In Ay Wadaan Lagu Eedeeyay
Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan
Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Qardho ka socdey shirar iyo kulamo kala geddisan. magaalada Qardho ayaa ka mid ah goobaha sida weyn looga diidan yahay in maamulku ku darsado waqtiga maamulkiisa isla markaana marar badan laga soosaarey baaqyo sheegaya in axdigii iyo ballantii la ilaaliyo shacabkana amaaanadooda loo soo celiyo lana qabto doorashadii Madaxweynaha marka la gaaro Janaayo 2013.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa diidan in uu qabto wax doorasho ah taas oo lamid ah tii isaga lagu doortey afar sano ka hor, isla markaana ku doodaya in nidaamka xisbiyada la hirgelinaayo, waxaana inta badan shacabka Puntland u arkaan xil kororso xeeldaysan in ay tahay ee nidaamka uu wado ay u baahantahay ugu yaraan saddex sano, fursadaasna isagu iska dhumiyey.
Madaxweynaha oo dhawaan ku dhawaaqey urur siyaasadeed ayaa qorshaynayey in uu safar ku tago magaalada Qardho kadibna u sii gudbo magaalada Bosaso. Qorshaha madaxweynaha Puntland ayaa ahaa in uu dadka ka dhaadhiciyo ku dar-sahsadiisa xilka, isla markaana uu taageero u helo, laakiin markii qorshahaasi soo baxaey waxaa soo baxdey in shacabku is abaabulayo doonayaan in ay mudaaharaadyo nabadeed kala hortagaan Madaxweynaha si ay ugu muujiyaan diidmadooda ku aadan in dib loodhigo doorashada Dastuuriga ah ee 9-ka Janaayo 2013.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Maxamed Siciid
Madaxweynaha ayaa magaalada Qardho u soo direy wasiirada u dhashey beesha Cismaan Maxamuud (Majeerteen) ee maamulkiisa ku jira waxaana ka mid ahaa:
1. Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Amniga.
2. Cabdiqani Yusuf Cadde, Wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta.
3. Yusuf Axmed Kheyr, Wasiiru Dawlaha Sharciga
4. Cabdiqani Salaad Gurey, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.
5. Gen. Maxamed Siciid, Taliyaha ciidanka Booliska Puntland.
Wefdiga wasiiradan iyo saraakiisha ayaa diidmo xoogan kala kulmey bulshadii ay doonayeen in ay ka dhaadhicyaan doonitaanka Madaxweynaha Puntland ee ah in waqtiga ay ku darsadaan si muddo sanad gudaheed ah ay u hirgaliyaan nidaamka xisbiyada badan kuna hirgelinayaan tirakoobka dadka, aqoonsiga Puntlandernimada, doorashooyinkana Goloyaasha Deegaanka iyo kan baarlamaanka.
Habeenimadii Salaadu soo galaysey taariikhduna ahayd 19/11/2012 ayaa magaalada Qardho waxaa ka dhacay arin si weyn loola yaabey, kadib markii salaadda Cishe la tukadey wadada laamiga ah waxaa is qabsaday dhalinyaro iyo caruur yar-yar oo garayaa ilamaa iyo 20 kuwaas oo ku qaylinaayey erayo lagu taageerayo Xisbiga Horeed ee uu guddomiyaha ka yahay Madaxweynaha Puntland, waxaa markiiba ka hortagey dhalinyaro kale oo ka caraysan, waxaana ay garaaceen dhalintii la soo abaabuley, waxaa hal mar magaalada ka aloosmey buuq iyo shiddo, waxaa dhalintu boob u geysteen goobo Jaadka lagu iibiyo, waxaana dhaawac soo gaarey qaar kamid ah dhalinyaradii Xisbiga Horeed ku dhawaaqayey.
Dhalinyaradii mudaaharaadka bilaabey ayaa dhamaantood la soo qabtey, waxaana Booliska iyo odoyaasha magaalada weydiiyeen cidda soo abaabushey, dhalnyarada oo aan ka leex-leexan waxay sheegeen in Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan lacag u qaybiyey isla markaana uu abaabuley, danta uu lahaana ay tahay in madaxweynaha Puntland la gaarsiiyo in Mudaaharaad Qardho ka dhacay.
Arintan ayaa odoyaasha guddi baara u saarey, waaya waxaa magaalada Qardho ku sigatey in amnigu faraha ka baxo, waqti habeen ah cidda soo amaamudey mudaaharaad danta ay leeyihiin ay ka weyn tahay taageero Xisbi, waxaana dhaawac soo gaarey dad kala duwan, waxaa la dhacay hanti kala duwan, waxaana odoyaashu sheegeen in la baarayo arinta dhalinyarada iyo in maamulka degmada iyo kan gobolku wax ka ogaayeen.
Fiidnimadii xalay (Salaasa) ayaa Wasiirka Amniga ee Puntland u qirtey odoyaasha in isagu ka danbeeyey mudaaharaadkaas, waxaana odoyaasha magaalada ay ku ballameen in Subaxnimada shir ay isugu yimaadaan si looga wada hadlo waxa ku kalifey in uu fawdadaas bilaabo iyo sida mudaaharaadkaas hebeenimada la soo abaabuley amniga khatar u geshey.
“…Waxaa nasiib xumo ah in Dhalinyarada Puntland oo 98% ay shaqo la’aan yihiin maanta Wasiirada dowlada u qeybiyaan sunuud yar (lacago) oo ay yiraahdaan Xisbiga Faroole hala taageero, halkii looga fadhiyey inay ayahooda ka taliyaan oo waxbarashadooda iyo shaqo abuuris u sameyaan, wixii dhalinyaradaas soo gaaray waa cashar la bartay, bal waxaana ka sugnaa waxa tan xiga oo ay la yimaadaan Wasiirada xubnaha ka ah xisbigan Faroole shukaanta uhayo…”ayuu yiri mid kamid ah odayaashii badbaadiyey dhalinyaradii khatarta galay mar uu u waramayey Horseed Media.
Maanta (Arbaco) salaadda subax ka hor ayaa waxaa magaalada isaga baxay Wasiirkii amniga Col.Khaliif Ciise Mudan iyo taliyihii Booliska Puntland, waxaana wararku sheegayaan in looga yeeray Caasimadda Puntland, nabadoonada iyo duqeytida ayaa si weyn uga carooday arrintaas maadaama ay la ballansanaayeen, waxaana qaarkood Horseed Media u sheegeen haddii kuwii la yiri amniga ka shaqeeya iyagu amni darro wadaan waa nasiib darro waana dabkii dhaxamoodey.

Wasiirka Duurjoogta A/qani Yussuf oo kamid ah xubnaha u ololeenaya Xisbiga Faroole
Wasiirka duurjoogta Cabdiqani Yusuf Cadde ayaa isagu horeyba uga soo tegey magaalada Qardho, markii uu arkey sida xaal yahay iyo in aanu waxba ka qaban karin diidmada shacabku diidan yahay in mudada la dheeraysto.
Cabdiqani ayaa la rumeysan yahay inuu waday qorshe ah in magaalada Qardho laga furo xafiis uu yeesho Xisbiga Madaxweyne Faroole, arrintaasi oo socon weyday sida la sheegay kadib markii la waayey meel xarun looga dhigo Xisbigaasi dhawaan looga dhawaaqay Garowe.
Waxaa magaalada Qardho hada ku harey Jeneraal Yusuf Axmed Kheyr oo u muuqda hada asagu inuu ka gaabsaday ololaha ay wadeen xubnaha ka yimid magaalada Garowe ee doonayey in ay dejiyaan carada iyo kacdoonka shacabka.
Col.Khaliif Ciise Mudan oo isagu ahaa abaanduulaha kooxdan wasiirada ah isla markaana muddo ka maqnaa dalka looguna yeeray arrimahan, ayaa wararku sheegayaan in habeenimadii xalay mar kale looga yeeray magaalada Garowe, waxaana horey u sii raacey taliyaha ciidanka Booliska, wararku waxay sheegayaan in lagu canaantey qaabka ay hawsha u galeen iyo in ay kala dhantaaleen booqashadii la doonaayey in madaxweynuhu halkaas ku tago isla markaana aysan bulshada ka dhaadhicin in la soo dhaweeyo madaxweynaha Puntland iyo xisbigiisa Horeed.
Cabdirsaaq Maxamed Shiino
Qardho, Puntland, Somaliya

WAR HA LA TAAGEERO MADAXWEYNAHA , KOLEY MA WAXBUU UGA TEGAYAA MEESHA, PUNTLAND WAXAA ISUGU SOO HADHAY WAA MAXAMUD SALEEBAAN. MEE IGAD, MEE DHULBAHANTE, MEE WANSANGELI, MEE REER BARI MEE LEELKASE……….MEE DIR