Wariyihii Idaacada BBC-da ee magaalada Muqdisho oo goordhow xabsiga loo taxaabay
Wariyihii Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga Ibraahim Maxamed Aadan ayaa maanta xabsiga la dhigay, kadib markii Maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku eedeysay inuu warar qaldan ka diyaariyay.
Wariye Ibraahim Maxamed Aadan ayaa tan iyo shalay xaadirayay Xafiiska Maxkamada, waxaana maanta markii uu tagay durba la jeebeeyay, loona dhaadhiciyay xabsi.
Mid ka mid ah wariyeyaasha saaxibada la ahaa Ibraahim ayaa sheegay in Maxkamada ka codsadeen inay damiin ku sii daayaan, isla markaana hadii ay baahdaan u soo celin doonaan, balse ay ka diideen.
Wariye Ibraahim Maxamed Aadan ayaa haatan ku xiran Xabsiga dhexe, iyadoo bahda warbaahinta ay wadaan dadaalo lagu sii deynayo, inkastoo Maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku andacooneyso inuu warar qaldan uu sii daayay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo ku aadan sababaha ay u xirtay, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay ee Maxkamada Ciidamada ay xabsi dhigto wariye ka mid ah wariyeyaasha ka howl gala magaalada Muqdisho.
Al-Salaamu Calaykum waraxmatullaahi wa baaakratuSalaan ka bacdiWaddankii dharaarba dharaarta ka dambeysa ayey wax kasii dhacayaan, wax u soo kordha daayoo, markaa waxa loo baahanyahay in la daba qabateeyo intey goori goor tahay ee aan xiidhiyo fandhaal kala dhicin. Dadka reer somalilandna arrinkaa waa ka dheregsanyahay, ciddii arrinka wax ka qabalahaydna waa SPP amma Somaliland People Party, Waxaan leeyahay chance aad u wanaagsan ayaad haystaane make a use of it. amma ka faaiideysta, intey goori goor tahay. Waa Guul