afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:13 am | Posted by

Yaa Hurinaya Colaada Islii Iyo Gaarisa?(Cali-Ameeriko Oo 2-Furin Oo Dagaal Ku Furay Dawladda Kenya Si Aysan Jubbaland U Hirgelin)

Warar isa soo taraya oo soo gaaraya Xafiiska Shacabkamedia ee Nairobi ayaa sheegaya in qalalaasaha maalmahan ka qarxay Xaafadda Islii iyo Magaaladda Gaarisa uu ka dambeeyo Safiirka Soomaalidda ee Dalka Kenya Ambassador Cali Ameeriko oo doonaya inuu Dawladda Kenya ku cadaadiyo inay faraha kala baxaan Arimaha Jubooyinka iyo Maaamul u sameynta magaaladda Kismaayo,hadii kale uu hurin-doono qalalaasaha 3-dan maalmood ka soo cusboonaaday Magaalooyinka Nairobi iyo Garissa.

Maalmahan waxaa ka socday shirar is-daba-joog ah Safaraadda Soomaaalidda ee Kenya,iyadoo halkaas ay ku shirayeen Ganacsato qaraabo la ah Ambassador Ameeriko oo ku wargeliyay inay maalgeliyaan Jihaad qarsoon oo laga fulin-doono Magaalooyinka Nairobi iyo Garissa,isagoo durba ku guuleystay inuu colaad ka huriyo magaalooyinkan nabdoonaa ee Islii iyo Garissa.

Qaraxii Garneelka ahaa ee lagu dilay 7-Ruux oo Keenyaatiga ahaa,ayaa Dhalinyarada Soomaalidda ee Xaafada (Section-1)ee Islii ku sugneed isku raaceen in maalintii uu qaaraxa dhacay in wiil lagu magacaabao C/sataar oo Safaaradda Soomaalidda ku magacaaban Xogeynta-3-aad uu taagnaa isagoo gaari-wato meel 30-Mitir u jirta qaraxa,markii uu qaraxa dhacayna Baangad ay Keenyaati ku jarjareen wiil dhalinyaro Soomaali ah oo isaga la taagaan 10-daqiiqo ka hor,kaasoo looga shakisan-yahay inuu Gantaalka tuuray.

Hadabba Sirdoonka Dawladda Kenya iyo Soomaalidda islii waa inay il-gaar ah ku-hayaan dhaq-dhaqaaqyadda maalmahan ka socda Safaaradda Soomaalidda oo hada noqotay goob laga soo maleego qaraxyadda iyo fidnada laga dhex-abuurayo Soomaalidda iyo dadka ay martida u yihiin ee Keenyaatiga ah,si dawladda Keenya loogu qasbo inay faraha kala baxdo arimaha Jubooyinka.

Dhinaca kale waa in wiilkan lagu magacaabo C/sataar ee Safaaradda Xogheynta-3aad ku magacaaban la weydiiyaa halka uu ku maqnaa saacadii Gantaalka lagu dhufanayey baskii lagu dilay 7-Ruux ee Keenyaatiga,maadaama Xafiiska Shacabkamedia ee Nairobi ay soo gaarayaan warar iska soo daba-dhacaya oo xaqiijinaya inuu maalintii qaraxa 10-daqiiqo ka-hor uu ku sugnaa isagoo gaari-saaran Xaafadda qaraxa uu ka dhacay ee (Section-One)

Isku-soo wada-duubee Cali-Ameeriko iyo Ganacsatadan maalmahan ku shirsanaa Safaaradda Soomaalidda ee Nairobi ee isku bedeshay goob furin-dagaal loogu furo Dalka martida ay u yihiin ee Kenya,ayaa ujeedada ka dambeysa waxay tahay in Kenya lagu cadaadiyo inay faraha kala baxdo arimaha Jubooyinka iyo dhisitaanka Maamulka Jubbaland.

Xigasho Shacabkamedia

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM