afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:45 am | Posted by

Daawo-Jubaland Oo Switzerland Laga Taageeray (Daawo:Aqoonyahanadda Puntland Ee Swisska Oo Taageeray Maamulka Jubaland)

Iyadoo uu si Xowli ah uu Ku Socdo Dhismaha La Doonayo in Lagu dhiso Maamul Goboleed ay ku Mideeysanyihiin Gobalada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo ayaa waxaa isasa soo tarayaa Taageerada iyo Baaqa ka ka imaaneya Qaar ka tirsan Waxgaradka iyo Aqoonyahada Soomaaliyed.
Magaalada Freiburg ee Dalka Switzerland ayaa Shalay Waxaa ka dhacay Kulan ay ka soo qeyb galeen Qaar ka tirsan Waxgaradka iyo Aqoonyahano ka soo jeeda Deeganada Puntland Kulankaan ayaa waxa si Buuxda Bulshada ka soo jeeda Deeganada Puntland ay ugu Taageereen Qorshaha La Doonayo In Dadka ka soo Jeeda Deeganada Jubooyinka iyo Gedo ay Dhistaan Maamul Goboleed ay iyagu Leeyihiin.
Ujeedada Kulanka ayaa ahaa in Waxgrada iyo Aqoonyahada ka soo jeeda Deegaanada Puntland ee ku Nool dalka Switzerland ay Muujiyaan sida ay ula dhacsanyihiin Taageersanyihiin Maamul u Sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo iyo in Dowlada Federaalka ee Soomaaliya loogu Baaqo in ay ka shaqeyso sidii Dadka Deegaankaas ka soo jeedo Loo Madaxbaneyn lahaa in ay Soo Dhistaan Maamul ay Iyaga Matala Maadama uu Dalka Federaal yahay.
Aqoonyahandii ka Hadashay Madasha Lagu Taageerayay Maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa Waxaa ka mid ahaa Proff. Maxamed Cusman Xareed, Caaqilka Guud ee Dadka ka soo jeeda Deeganada Puntland ee ku Nool Dalka Switzerland Caaqil Cabdirisaaq Siciid Qotome, Yuusuf Aadan Xasan iyo Daahir Siciid Warsame.

Si Kastaba ha ahaate Dhowaan ayaa La Filayaa in uu Bilowdo Shirweyihii La doonayay in lagu dhiso Maamul Goboleedka Jubaland oo ay ku Mideeysanyihiin Dhamaanta Dadka Dega Deegaanada Jubooyinka iyo Gobolka Gedo.

Halkan riix Oo Daawo video-ga Taageerda


Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Daawo-Jubaland Oo Switzerland Laga Taageeray (Daawo:Aqoonyahanadda Puntland Ee Swisska Oo Taageeray Maamulka Jubaland)”

  1. Inder
    November 28, 2012 - 9:35 am

    Daangada galleeyda waxaa ka seyamn kartaa galleey laqalajiyey oo laga helo dukaamada Health Food Stores. Ha isticmaalin galleeyda popcorn ka. Galleeyda habeenkii biyo la dhig, maalinta labaad biyo ku kari, hadhoow qallaji. Markay qabowdo saliid kushiil. Magaalada Baraawe galleyda qorraxda ayaa lagu qallajin jiray intaan la shiilin.The question is about how to make home-made corn nuts. Buy dried corn from health food stores. Do not use corn intended for making popcorn. Cover the dry corn with sufficient water and soak overnight. Boil the corn then let dry and cool. Deep fry in oil. In Brava, Somalia, they would sun-dry the boiled corn before deep frying.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM