afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:36 am | Posted by

Taliyaal police oo loo xiray qaraxii ka dhacay irida baarlamaanka Soomaaliyo oo ku howlan dacwad kadhan ah saraakiishii xarigoooda amartay

Kadib markii qarax xooggan uu kadhacay iridda baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa xabsi ladhigay taliyaasha saldhigyada degmooyinka ku hareeresan Baarlamaanka iyo mid kamid ah saraakiisha ciidamada nabadgelyada wadooyinka.

Xariga taliyaashaas ayaa lasheegay in macnihiisu ahaa dayacaad ay ku sameeyeen amaanka mudanayaasha Soomaaliyeed, maadaama uu xil ka saaranyahay, hasa yeeshee taliyaashaasi ayaa lasoo daayay kadib markii ay maalma xiraayeen, waxa ayna soo deysmadooda kadib sheegeen in gardarra loo xiray, sidaa darteedna ay dacwad kaqori doonaan saraakiishii xarigooda masuulka ka aheyd.

Saraakiishaan oo ay ku jiraan taliyaasha saldhigyada degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab, Warta Nabadda, iyo Howlwadaag ayaa waxa ay sheegeen in gardarra aan geed loogu soo gaban uu kuxiray taliyaha police-ka gobalka Ganaadir, General Maalin ayna sida ugu dhaqsaha badan dacwada isaga ka dhanka ah ay ugu gudbin doonaan maxkamadaha dalka ee ku shaqada leh.

Waxa ay ku celceliyeen in xarigga lagula kacay uu yahay mid cadaalada kafog, sidaa darteed ay ku qancaan oo kali ah in ay cadaalada hortagaan qolyihii iyaga dulmiyay.

Saraakiishaani masheegin xilliga rasmiga ah ee ay gudbinayaan dacwadaani waxa aysa si cad u sheegeen in ay kago’antahay in wax kasta oo dhaca aysan kalaba labeny doonin in ilaa heer maxkamadeed ay socan doonto ilaa meel laga saarayo gardarada qaawan ee lagula kacay sida ay ku warameen.

Waxa ay sheegeen in markii lasoodeynayay xitaa aan loo kala cadeyn wixii lagu heestay, wax baaritaan ah oo lamarsiiyayna aysan jirin.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM