Qardho oo Qiiqeysa iyo Rasaas Magaalada Ka Dhaceysa [sawiro
Magaalada Qardho ayaa waxaa haatan ka soconaya dibad baxyo waaweyn, iyadoo rasaas hoos loo ganayo ay ridayaan ciidamada ilaalada ka haya madaxweynaha Puntland oo Qardho ku sugan.
Hawada magaalada Qardho ayaa qiiq iyo uuro ka baxaya, iyadoo rasaasta ay ridayaan ciidamada Faroole ay geysteen khasaaro badan waxaana dhaawacyo halis ah qaarkood kasoo gaareen ilaa 4-qofood oo ah dad u badan caruur aad u da’a yar.
Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in madaxweynaha Puntland codkooda maqlo, dalkana uusan gelin khal-khal siyaasadeed, iyagoo kacdoon kaga soo horjeeda mudada la sheegay in xukuumada Puntland ku darsatay ee hal sano oo siyaadada ah.
Dadweynaha magaalada ee dhigaya dibad baxa ayaa gubaya taayiro holcaya waxayna meel walba ku qoreen diidmada mudda kororsiga maamulka Puntland.
Dibad baxayaashu waxay sii xoojiyeen mudaharaadkooda markii uu magaalada kolonyo ciidamo ah ku soo galay madaxweynaha loona galbiyey guriga Xildhibaan Siciid C/laahi Deni.
Xiisad weyn ayaa magaalada ka taagan, iyadoo dadweynuhu bilaabeen inay hub guryahooda kala soo baxaan, kadib markii ciidamada Faroole ay bilaabeen inay dadkii kacdoonka waday rasaas huwiyaan.
Waxaa haatan Qardho ka dhacaysa rasaas xoog leh oo gees walba is qabsatay, iyadoo la filan karo in khasaaraha uu kasii bato inta uu haatan le’eg yahay.
Cusbitaalka magaalada Qardho ayaa waxaa la dhigay dadkii dhaawaca ahaa ee ay ciidamada Faroole ku xasuuqeen magaalada.
Qaanuunka iyo sharciyada caalamiga ah ayaa si weyn uga soo horjeeda in dad banaanbaxaya rasaas lagu furo, iyadoo wasiirka aminiga Puntland iyo Madaxweyne Faroole ay heystaan Baasabooro dalal shisheeye, laguna dacweyn karo xasuuqii ay maanta u geysteen shacab muwaadiniiin Puntland ah oo si nabadgelyo ah ku dhigayey dibad-baxooda.
Waxaa xusid mudan in Qardho 4-sano ka hor xiligii uu madaxweyne Cade Muuse ahaa madaxweynaha Puntland uu Faroole ahaa ninkii ugu soo dhoweynta fiicnaa ee Musharax ah ee Qardho taga, iyadoo malaayiin qof oo fardooley ah ay kaga hortageen duleedka magaalada, balse maanta maxaa isbedelay, dadweynahii shalay soo dhoweeyey ayaa maanta waxay sheegayaan in Faroole laba arrimood ku guul dareystay: -
Waatan koowaade Faroole oo Qardho aan haba yaraatee waxba u qaban, iska dhaaf inuu wax u qabtee xataa hay’adihii Qardho ka howlgeli jiray ayuu Garoowe geeyey, iyadoo deeqo waxbarasho oo Puntland la siiyeyna aan Qardho qofna laga siin, iyadoo la musuqmaasuqay deeqihii waxbarasho.
Waa tan labaade madaxweynaha Puntland wuxuu dafiray dhaartii uu maray, isagoo xukunka dalka ku kororsaday muddo hal sano ah, iyadoo dadweynaha Qardho aamisan yihiin in 8-Janaayo kadib madaxweyne Faroole aysan u aqoonsanayn madaxweynaha xaqa ah ee Puntland.
