Baroon wax Gumaada & Xukunka Boob Maahan Hees Loo Qaaday Faroole [DAAWO]
Gudoomiyaha kooxda Badbaado oo lagu magacaabo Abwaanka Abdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sameeyey heestan.
Abwaanka ayaa horay u sameeyey Heesta Calanka Puntland & Heeso kale oo wadani ah oo uu ku amaanayo Puntland.
Wuxuu kale oo Hees Amaan ah horay ugu qaaday Madaxweynaha Puntland taas oo la magac baxday MADAXAWAYNE DHALADO DHAQALAHA KU XEEL DHEER laakiin sida ka muuqata Heestan cusub Abwaanku wuxuu ku muujinayaa sida biloowgii Dr. Faroole loogu han weynaa & sida uu hada u dhaqmayaa inay yihiin si kala duwan sida ka muuqata miraha ah:-
Halkan hoose ka Daawo Heesta BADBAADO ee loo soo qaaday Madaxweynaha Puntland.
