Ururka khayraad oo ay ku bahoobeen gabdho ku nool Dalka Austarlia oo Deeq qalab sariiro lacago ay soo soo gaadhsiyeen isbitaalka lascanod
Maamulka isbitaalka lascanod gaar ahaan qaybta Tb-da ayaa la soo gaadhsiiyay deeq agabka sariiraha iyo furshaan loogu talagalay dadka bukaanka ee qaybta qaaxada isbitaalka laascaanood ku jira waxaan si weyn uga mahadceliyay deeqdaasi madaxa qaybta TB-da Dr. cabdi maxamed buraale ,
waxaana deeqdaasi soo gaadhsiyay isbitaalka laascaanood gabdho ka soo jeeda deeganada sool sanaag cayn oo ku dhaqan dalka Austaralia kana mid ah ururka samafalka khayraad oo gacan weyn ka gaystay baahiyaha ka jira qaybta TB-da isbitaalka laascaanood gabdhahan oo magacayadoodu kala yihiin
Faadumo Saalax Warsame
Farxiya maxame Cali Aflow
Ayaan Cilmi Mire Cawaale
Sahra Cabdilaahi Jaamac
Asli Mahada Aadan
iyadoo sidoo kale sahra cabdilaahi jaamac oo kamid ururka khayraad oo soo gaadhay magaalada laascaanood maanta markale deeq lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaa quudinta dadka bukaanka qaybta qaaxada ay gudoonsiisay madaxa qaybtaas iyadoo wakiil uga ah ururka khayraad ee hablahaasi ku bahoobeen.
Dr. Cabdi maxamed buraale oo ah madaxa qaybta Tb-da waxgarad iyo shaqaalaha qaybtaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay kaalmada dadka bukaanka ah la soo gaadhsiiyay.
dhakhtarka ayaana ugu baaqay jaaliyadaha qurba jooga ururada iyo hay,adaha inay ka gacan ka gaystaan quudinta dadka bukaanka qaybta qaaxada laascaanood oo aanay jirin raashin si rasmi ah ay u helaan taasoo keeni karta in bukaanku cunta la,aan soo wajahdo.
qaybta qaaxada isbitaalka lascanod ayaa qaybta adeega caafimaad ee ugu badan bixisa taasoo bukaano meelo fog fog laga keeno markaasi la seexiyo una bahan daryel joogto ah.