afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:57 am | Posted by

Arsenal oo 10M ku doonaysa Downing-ka Liverpool

Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa diyaar u ah in dalab layaableh uu udiro ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara Liverpool ee Sterwart Downing, kaas oo ku kacaya lacag dhan £10million, waxaana uu dukaamaysigaas bilaaban doonaa bisha January.

Wenger oo ay Liverpool ka dul qaaday xidigan sanadkii 2011-ka si uu ubadalo  Samir Nasri ayaa hada waxaa uu aamisan yahay in xidigan uu ku haboon yahay Arsenal

Tababaraha haatan haya  Liverpool Brendan Rodgers ayaanan doonayn qaab ciyaareedka ciyaaryahan  Downing, taaas oo ka dhigaysa in kooxda ay lumiso lacag dhan  £20m oo uu kaga soo tagay kooxdiisii hore

Hase ahaatee macalin Wenger ayaa ku qanacsan awooda ciyaaryahankan, waxaana uu sheegay inuu soo iibsan doono

Downing ayaa ka ciyaari kara dhinaca danbe ee daafaca bidix iyo dhanka weerarka kaas oo ay Arsenal dhibaato ka haysato.

Liverpool ayaa laga yaabaa in xiisaha ay uqabto ciyaaryahan Theo Walcott, ay u adeegsato Downing , waxaana Walcott heshiiskiisa Emirates ka dhiman lix bil oo kaliya.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM