Banaanbax lagaga Soo hor jeedo Maleeshiyaadka Sooomalidiidka oo ka Dhacay Degmada Xuddun
Banaanbaxyadan lagaga soo horjeedo Maleeshiyaadka Maamulka Soomaalidiidka oo aan maalin keliya joogsan tan iyo intii Maleeshiyaadka soomalidiidku soo galeen Degmada Xuddun ayaa waxaa soo abaabulay Shacabka ku dhaqa Degmada Xuddun.
Dadweyne aad u tiro badan oo Haween iyo Caruurba isugu jiray oo ku lebisnaa Dhar laga sameeyey Calanka Soomaaliya ayaa Maalin kasta Banaanbaxyo lidi ku ah Maamulka Soomaalidiidka isugu soo baxa Dariiqyada Degmada Xuddun , waxana ay si toos ugu dhawaaqaan Erayo lidi ku ah Maamulka Hargeysa.
Banaanbaxyadan ka socda Magaalada Xuddun ayaa keenay in Maleeshiyaadka Soomalidiidku aanay si toos uga adeegan degmada Xuddun
Degmada Xuudun oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa Dhowaan kusoo Duulay Maleeshiyaad ka tirsan Maamulka hargeysa iyada oo aanay ilaa iyo haatan cadayn Ujeeda loo keenay Maleeshiyaadka Maamulka Soomaalidiidka Degmada Xuddun
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Degmada Xudun/sool
Afbakaylenews@gmail.com
way cadahay waxaa loo keenay waa in lagumeeystaa dadka meesha
dagan sidaa u ogoow