Fadeexad Markale Soobaxday Dawlada somalia Oo Markale Safaarada Somalia ee Faransika Kiraysay(Sawiro)
Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxay deegaan u tahay dad u dhashay Shiinaha, kuwaasi oo qofkii Soomaali ah ee doonaya inuu galo safaaradda ku wargelinaya in aysan shaqeyn safaaradda balse Safiirka uu ku sugan yahay Paris qofkii dan kasoo gashana ay ka wici karaan Taleefankiisa si ay u balamaan.
Sida ay sheegeen dad booqday xarunta Safaaradda oo lagu xeray in Safaaradooda kasoo qaataan qoraallo ku saabsan jinsiyadadooda iyo Documenti kale ayaa laga hor istaagay inay galaan Safaaradda, iyagoo loo sheegay in halkani ay degan yihiin isla markaana ay kiro ahaan ugu jiraan.
“Waxaan todobaadkii hore howsheyda lagu xeray inaan saxiix iyo documenty muujinaaya jinsayadeyda kasoo qaato Safaarad Soomaaliyeed, maadaama Faransiiska deganahay, waxaa ii fududaatay inaan soo aado Safaaradda aan ku leenahay Paris, laakiin markii aan imid dad indha yar oo ay iigu sheegeen iney yihiin Shiiniis ayaa albaabka safaaradda iga celiyay, waxayna ii sheegeen in halkani uusan ka howlgelin safiirka, qofkii rabana uu ka wacan karo taleefanka si ay ugu balamaan magaalada” sidaasi waxaa yiri Salaad Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee mudo ka badan 20 sano deganaa dalka Faransiiska.
“Runtii waa arin fool xun oo aan la qaadan karin in indha yar shiinees ah safaaraddaada inuu kaa celiyo, weliba iyadoo uu suran yahay calankeena oo ka dul babanaya” ayuu sii raaciyay Salaad Maxamed Cabdulllaahi.
Mar aan isku daynay inaan qadka isgaarsiinta kula xiriirno Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Paris Saciid Xaaji Maxamed Dheere ayaa inoo suuragelin, laakiin Ganacsato Soomaaliyeed iyo arday wax ka barata dalka Faransiiska ayaa waxay ku eedeeyeen Safiirka in uu dadkaasi Shiineeska ah ka kireeyay Safaaradda.
“Dowladda Soomaaliyeed waxay Safiirka u soo magacowday inuu ilaaliyo xaquuqda iyo sharafta umadda ku nool dalka uu joogo iyo in uu dhiso xiriirka diblumaasiyadeed, laakiin looma soo magacaabin in uu sumcada dadka iyo dalka wax u dhimo” ayuu yiri Dr. Cumar Sh. Xasan oo ka mid ah aqoonyahanada wax ku bartay magaalada lyon ee dalka Faransiiska, wuxuuna ugu baaqay Madaxda cusub ee Dowladda iney soo farageliyaan dhibaatada ka jirta Safaaradda Paris.
Arday fara badan iyo dad kale oo lagu xeray iney aqoonsiyo kasoo qaataan Safaaradda Paris ayaa kari waayay iney helaan waxyaabihii ay ugu baahdeen Safaaradda taasoo keentay iney u soo doontaan wadamada kale ama ay ka dalbadaan Soomaaliya.
Ali Muhiaddin Ali
Muxiyaddiin@hotmail.com

