Falanqeynta Ciyaaraha Maanta, Chelsea Vs Man City, Levente Vs Barca, Swansea Vs Liverpool
Tababaraha cusub ee Kooxda Chelsea Rafa Benitez aya wajahaya dhaawacyo xoogan, waxaana ka maqan kabtanka kooxda John Terry, xili kooxda uu leylinayo kulankii ugu horeeyay, daafaca Chelsea ayaaa dhaawacmay kulankii ay bar baraha galeen Liverpool, waxaana laga yabaa inuu dib usoo laabto ila December.
Frank Lampard iyo Daniel Sturridge ayaa sidoo kale ku jira ciyaaryahanada dhaawaca kaga maqnaanaya kooxda Chelsea kulanka ay la ciyaarayso City.
Tababaraha Kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa waxaa uu ka cabsi qabaa in uu dhaawac ahaan kaga maqnaado.
Waxaa kale oo kooxda ka maqan Gael Clichy, Micah Richards iyo Mario Balotelli kuwaas oo ku jira liiska dhaawacyada kooxda ka dhisan Eastlands.
James Milner ayaa laga yabaa in kulankan uu diyaar unoqdo kadib dhaawac soo gaaray kulankii ay la ciyareen kooxda Real Madrid
Kulamada kale ee Horyaalka dalka Ingiriiska dhacaya cawa ila galabta ayaa waxaa kamid ah
13:30 Swansea ? – ? Liverpool
15:00 Southampton ? – ? Newcastle United
16:00 Chelsea ? – ? Manchester City
16:00 Tottenham ? – ? West Ham

