Falanqeynta kulanka aadka u adag ee dhexmaraya caawa AC Milan iyo Juventus
Kooxda haysata Scudetto dalka Italy ee Juventus ayaa caawa waxaa ay marti unoqon doontaa kooxda Milan oo meelaha dhexe kasoo luudaysa horyaalka.
Kulankan ayaa ah mid aad loo ada sugayo, waxaase xiiso gooni ah uyelaya kulankan xaalada uu kusugan yahay macalin Allegri oo haysta fursad yar oo shaqadiisa uu ku bad badin karo.
Labada Koox ayaa si wanaagsan usoo gutay waajibadkoodii Koobka CL, Juventus ayaa ka badisay Chelsea taas oo sababtay in shaqadii laga eryo Roberto Di Matteo halka Milan ay 3-1 ku qabatay Anderlecht.
“Kulanka habeenka axada ah aan kaga soo horjeedno Juventus waxaa uu noqon doona mid adag, qaas ahaan waxii dhacay sanadkii hore,” ayuu sheegay xidiga da’da yar ee Milan Mattia De Sciglio. “100% waxaan samayn doona waxii macquul ah si an guul ugarno.
Kooxda Milan ayaa laga yabaa in ay dhaawacyo kaga maqnaadaan Muntari, Djamel Mesbah, Didac Vila, Luca Antonini, Ignazio Abate, Bakaye Traore, Massimo Ambrosini, Daniele Bonera iyo Alexandre Pato, halka Juve uu kulankan ka maqan yahay hal ciyaaryahan oo muhiim ah oo ah Giorgio Chiellini.
Ciyaartan ayaa waxaa isha lagu hayn doona weeraryahanka kooxda AC Milan Stephan El Shaarawy kaas oo ah weerar yahan lagu dagaal tago.
Sidoo kale Kooxda Juve ayaa waxaa laga daawan doonaa xidiga Sebastian Giovinco kaas oo ah dhaliye si wanaagsan kubada ufarsamaysta
Milan ayaa shantii kulan ee lasoo dhaafay guulaysatay labo kulan, labana waxaa ay gashay bar bardhac halka kulana laga badiyay.
Sodoo kale Juventus ayaa badisay 3 kulan, hal kulan waa laga badiyay kulana bar bardhac ayay galeen, iyadoona haatan haysa hogaanka sare ee horyaalka
Labada Koox ayaa kulankii ugu danbeyay ee xili ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaa ay ku kala baxeen 1-1
Juventus ayaa laga badiyay hal kulan oo kaliya lixdii kulan ee ay Milan ku booqatay Giuseppe Meazza.
Waxaa macquul ah in kooxda Milan ay garoonka lasoo gasho Abbiati; De Sciglio, Mexes, Yepes, Constant; Montolivo, De Jong, Emanuelson; Boateng, Bojan, El Shaarawy
Sidoo kale Juventus ayaa laga yaabaa in ay kusoo gasho garoonka: Buffon; Barzagli, Bonucci, Caceres; Isla, Vidal, Pirlo, Marchisio, Asamoah; Quagliarella, Giovinco